Xog: Farmaajo oo xiisad siyaasadeed uga baaqday munaasad maanta lagu qabtay Muqdisho

0
275

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa mar dambe oo maanta ah ka cudur daartay ka qaybgalka Munaasad lagu marti qaaday oo Galabta lagu qabtay xarunta degmada Kaaraan ee Gobalka Banaadir, sida ay ogaatay Caasimada Online.Munaasabadda oo aheyd mid lagu taageerayay howlgalada Ciidamada amniga ee ka socda magaalada Muqdisho, ayaa la sheegay in ay ka ahayd munaasabo dhowr ah oo lagu qaban doono dhowr degmo oo ka tirsan Gobalka Banaadir, waxaana lagu bilaabay degmada Wardhiigley ee Gobalka Banaadir.Boqolaal dad ah oo saf dheer la geliyay maanta duhurkii islamarkaana aad loo baaray ayaa lagu xareeyay Xarunta degmada Kaaraan waxaana la sugayay in uu la hadlo Madaxweynaha Soomaaliya balse ma dhicin waxaana soo dhamaaday Munaasabadaasi.Mas’uuliyiin katirsan Madaxtooyada Soomaaliya ayaa u sheegay Guddoomiyaha Gobalka Banaadir in uusan Madaxweynaha imaan karin Munaasabadda loona baahan yahay in isaga soo xiro.La-taliyaasha Madaxweynaha Soomaaliya ayaa Farmaajo u sheegay in uusan ka qaybgalin Munaasabadda sababo amni iyo Xaalad Siyaasadeed.Caasimada Online ayaa ogaatay in Madaxweynaha lagu wargeliyay in uusan ka qaybgalin Munaasadda dhowr sababood aawgeed waxaana ugu waawayn.1) – Xiisadda siyaasadeed ee ka taagan degmada Kaaraan ee u dhaxeyso Senator Muuse Suudi Yalaxow iyo Dowladda Soomaaliya.2) – Kulankii Fashilka ku soo dhamaaday ee uu Odayaasha dhaqanka iyo Siyaasiinta Mudulood la qaatay oo muujisay heerka khilaafka Dowladda iyo Mudulood.Sidoo kale cabashooyin ay qabaan dadka daga degmada Kaaraan iyo waqooyiga magaalada Muqdisho ayaa la sheegay in ay sabab u aheyd baaqashada Madaxweynaha.Arintaan ayaa muujineysa heerka uu gaarsiisan yahay Khilaafka Madaxda Dowladda Soomaaliya iyo Senator Muise Suudi Yalaxow kaas oo mudooyinkaan dhan taagnaa.Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com




SOURCE: Xog: Farmaajo oo xiisad siyaasadeed uga baaqday munaasad maanta lagu qabtay Muqdisho

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.