Xog: Ganacsatada Suuqa Bakaaraha iyo Al-Shabaab oo gaaray heshiis culus

0
246

Muqdisho (Caasimadda Online) – Sida ay xogta ku heshay Shabakadda Caasimadda Online, heshiis culus ayaa wuxuu dhex maray Ganacstada Suuqa Bakaaraha iyo Xarakada Al-Shabaab oo dagaal kula jirto Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Ciidamada AMISOM ee ku sugan dalka.Guddi ka socdo Ganacsatada Suuqa Bakaaraha ayaa kulan culus la qaatay xubno ka socday Xarakada Al-Shabaab kadib markii ay ganacsatada gudbiyeen cabasho ku aadan inuu hoos u dhacay ganacsigii Suuqa ugu weyn Soomaaliya ee Bakaaraha.Ganacsatada ayaa Al-Shabaab ku eedeeyey inay sabab yihiin hoos ku dhaca ku yimid Ganacsiga Suuqa Bakaaraha kadib markii ay badiyeen dilalka ay ka geystaan taasoo keentay in dadkii Lacagta lahaa ee Dibadaha ka imaaneyey iyo kuwa hey’adaha u shaqeeyo ay iska joojiyeen inay wax kasoo iibsadaan Suuqa Bakaaraha.Ganacsatada ayaa Al-Shabaab hor dhigay laba qodob:1) inay iska joojiyaan Ganacsiyada ay ku leeyihiin Suuqa Bakaaraha isla markaasna ay u wareegsadaan Suuqyada kale Magaalada ku yaal .2) iyo inay Joojiyaan dilalka ay ka fuliyaan Suuqa Bakaaraha ee loo geysto dadka aan hubeyneyn.Ganacsatada ayaa ku dooday inay Al-Shabaab siiyaan Canshuur sidaas darteedna aysan macquul aheyn inay Canshuur bixiyaan xilli ganacsigooda uu aad hoos ugu sii dhacayo.Dood dheer iyo is qabqabsi kadib Al-Shabaab iyo Ganacsatada Suuqa ayaa gaaray heshiis culus oo ku saabsan howglada ay Xarakada ka sameyso Suuqa dhexdiisa.Labada Dhinac ayaa ku heshiiyey inay Al-Shabaab joojiso dilalka ay ka fuliso Suuqa Bakaaraha si dadka ka cabsado inay Al-Shabaab ku dilaan Suuqa ay ugu suurtagasho inay usoo ganacsi tagaan suuqa.Sidoo kale labada dhinac ayaa ku heshiiyey inaan Suuqa lagu dhex dili karin wax aan ka aheyn Askari ka tirsan Dowladda Soomaaliya isla markaasna wato hubkiisa, waxaana mamnuuc ah xataa in la dilo Askariga marayo Suuqa dhexdiisa ee aan wadan wax qori ah.Al-Shabaab ayaa ballan qaaday dhankooda inaysan mar kale Suuqa Bakaaraha ku dili doonin dadka rayidka ah ee la shaqeeyo Dowladda iyo Hey’adaha ajaanibta ah ee dalka ka howlgalo.Heshiiskaan ayaa noqday midkii ugu muhiimsanaa ee dhexmaro Ganacsatada Suuqa Bakaaraha iyo Xarakada Al-Shabaab oo dhiig farabadan ku daadiyey Suuqaas.Qaar ka tirsan Ganacsatada heshiiskaas la gashay Kooxda Al-Shabaab ayaa Caasimadda Online u sheegay inay rajo fiican ka qabaan fulinta heshiiskii ay la galeen Kooxda  Al-Shabaab oo looga bartay inaysan khasaarin jaanis ay ku helaan dadka ay doonayaan inay dilaan.Illaha aan xogta ka helnay ma heysan noo sheegin halka uu ka dhacay kulankaas oo ahaa mid qarsoodi ah oo aan Saxaafadda loo sheeginCaasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com




SOURCE: Xog: Ganacsatada Suuqa Bakaaraha iyo Al-Shabaab oo gaaray heshiis culus

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.