XOG: Goolhayaha Kooxda Barcelona Ee Marc-Andre Ter Stegen Oo Ah Goolhayaha Ugu Saamaynta Badan Adduunka

0
100

Goolhayaha kooxda Barcelona ee Marc-Andre Ter Stegen ayaa mar kale door muhiim ah ka qaatay guushii ay kooxdiisa Barcelona ka gaadhay kooxda Real Sociedad kana tirsanaa horyaalka La Liga todobaadkiisii 4-aad.
Barcelona ayaa si dirqi ah uga badisay kooxda Real Sociedad xilli ay ka gaadheen guul soo laabasho leh kadib markii ay Real Sociedad uga naxsatay Barcelona gool qaybtii hore ah.
Real Sociedad ayaa ugu yaraan dhalin kartay 4 gool oo kale intii ay socotay ciyaartu marka loo eego fursadihii waalida ahaa ee uu badbaadiyay Goolhaye Marc-Andre Ter Stegen.

Sociedad ayaa qaadaysay weeraro rogaal celis ah oo ay ku dhalin kareen laakiin Goolhayaha reer Germany ayaa si la yaab leh u badbaadiyay inkasta oo ay kaligii ula soo bexeen.
Wargayska MARCA ayaa Goolhaye Marc-Andre Ter Stegen u doortay Goolhayaha Ugu Saamaynta Badan adduunka kadib qaab ciyaareedkii fiicnaa ee uu soo bandhigay kulankii Sociedad.
Guushii ay kooxda Barcelona gaadhay ayaa ka caawisay in ay si buuxda ula wareegto hogaanka horyaalka La Liga kadib markii ay kuftay kooxda Real Madrid iskana lumisay 2 dhibcood.
 




SOURCE: XOG: Goolhayaha Kooxda Barcelona Ee Marc-Andre Ter Stegen Oo Ah Goolhayaha Ugu Saamaynta Badan Adduunka

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.