Xog: Khilaaf xooggan oo ka dhashay shaqo ka joojinta ku xigeenada NISA iyo R/W KHEYRE oo sabab u ahaa

0
155

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida aan wararkeena hore ku sheegnay Agaasimaha Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Soomaaliya Xuseen Cismaan Xuseen,ayaa goordhow shaqo joojin ku sameeyay labadiisa ku xigeen oo lagu kala magacaabo Cabdalla Cabdalla Maxamed iyo C/Qaadir Maxamed Nuur.
Warqadda shaqada looga joojiyay labada Taliye ku xigeen oo lagu qeexay sababta shaqo joojinta ayaa kusoo aadeysa iyadoo maalmihii la soo dhaafay Muqdisho ay ka dhaceen weerarro ay geysteen Al-shabaab.
Shaqo joojinta ayaa la sheegay inay ka dhalatay shaqaaqo dhexmartay Agaasimaha Hay’adda NISA iyo ku-xigeenkiisa koowaad ninka lagu magacaabo C/Qaadir Maxamed Nuur (Jaamac).
C/Qaadir Maxamed Nuur, ayaa diiday shaqo joojinta lagu sameeyay, waxaana sidoo kale laga mamnuucay dhamaan Xafiisyada hoostaga Hay’adda NISA.
C/Qaadir Maxamed Nuur, ayaa wax kama jiraan ka dhigay wareegtada kasoo baxday xafiiska Agaasimaha Hay’adda Nabad Sugidda, waxaana aad looga cabsi qabaa in ciidamada labada mas’uul ay dhexmarto isku dhac.
Warar madax-banaan ayaa sheegaya in mudooyinkan uu khilaaf ka dhexeeyay Agaasimaha Hay’adda Nabad Sugidda iyo Ku-xigeenkiisa koowaad, kadib markii uu kala xigsaday Ra’isul wasaare Kheyre.
Khilaafka Agaasimaha Hay’adda iyo C/Qaadir Maxamed ayaa la rumeysan yahay inuu sabab u ahaa Ra’isul wasaare Kheyre oo xiriirka u jaray Agaasimaha isagoo kalsooni siiyay Jaamac oo ahaa ku-xigeenka koowaad horayna ula goostay dhaqaale xoogan.
RW Kheyre ayaa la xaqiijiyay in howlaha khuseeya Hay’adda NISA uu kala xaajoon jiray ninka la yiraahdo Jaamac, taa oo sabab u noqotay khilaaf raagay oo sababay xil ka qaadista.
RW Kheyre ayaa aad uga soo horjeeda  Agaasimaha Hay’adda Nabad Sugidda Xuseen, halka Madaxweyne Farmaajo uu ka aaminsan yahay Agaasimaha oo markii hore ku imaaday rabitaankiisa.
Sidoo kale, C/Qaadir Maxamed Nuur, ayaa horay u musuqay lacag la sheegay inay laheyd Hay’adda NISA taa oo lagu qabtay xili uu ka dhoofi lahaa Garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, waana qeyb kamid ah sababta loogu sameeyay shaqo joojinta.
Sababta ugu weyn ee khilaafyada soo kala dhexgala Madaxda Hay’adaha amaanka ayaa waxaa loo sababeeya Ra’isul wasaare Kheyre oo aan mudnaanta siin mas’uulka ugu sareeya Hay’adda amniga, waxa uuna si gaara u dhaweystaa ku-xigeenada, isagoo waxkama jiraan ka dhiga Madaxda ugu sareysa.
Geesta kale, Khilaafka sababay shaqo ka joojinta uu sameeyay Agaasimaha Hay’adda Nabad Sugidda ayaa la rumeysan yahay inay jawaab u tahay faragalinta iyo kala sooca uu Ra’isul wasaare Kheyre ka dhexwado Hay’adaha amniga dalka.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com




READ MORE FROM THE SOURCE: Xog: Khilaaf xooggan oo ka dhashay shaqo ka joojinta ku xigeenada NISA iyo R/W KHEYRE oo sabab u ahaa

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.