Xog ku saabsan qaraxii ka dhacay Muqdisho oo uu ku dhintay xildhibaan

0
329

Muqdisho (Caasimada Online) –Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax loo adeegsaday gaari lagu xiray waxyaabaha qarxa oo galabta ka dhacay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.Qaraxaan ayaa waxa uu ka dhacay afaafka hore ee maqaayada London Gate oo u dhow hotel-ka Muna oo ku yaalla degmada Xamarweyne ee gobolkan Banaadir, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen goobjoogayaal.Xogta aan heleyno ayaa muujineysa in baabuurka uu watay xildhibaan Cabdiweli Maxamed Ibraahim Kabxanley oo ka tirsan baarlamanka HirShabelle, kaasi oo la sheegay inuu qaraxa ku dhintay.Dad gobjoogayaal ah ayaa Caasimada Online waxay u sheegeen in gaariga uu ahaa mid qaraxa lagu xiray, islamarkaana markii uu marayay afaafka hore ee maqaayada London gate Uu qarxay.Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com 




SOURCE: Xog ku saabsan qaraxii ka dhacay Muqdisho oo uu ku dhintay xildhibaan

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.