Xog ku saabsan sababta ay DF uga hor-tagi la’dahay dilalka qorsheysan (Aqri)

0
267

Muqdisho (Caasimada Online) – Muqdisho waa Magaalo madaxda Dalka, waxey marti gelisay xaalado kala duwan waxaana soo maray dowlado u roon wixii ka horeeyay 20-kii sano ee la soo dhaafay, wixii intaas ka dambeeyay burbur ayey gashay.
Dhamaan dowladihii soo maray waxba kama aysan qaban dhibaatooyinka ragaadiyay  Magaalada sida dagaalada, dilalka, dhaca, boobka,  qaraxyada iyo dhamaan nuucyada kala duwan ee fal-dambiyeedyada oo dhibaatada ugu badan ay ka soo gaarto Shacabka Muqdisho ku nool.
Magaalada wey kooban tahay marka loo eego cirfyada laga soo galo iyo kuwa laga baxo ,waana la xakameyn karaa, waxaana ku baahsan ciidamo farabadan oo u shaqeeya dowladda waxeyna ka kooban yihiin nuucyo kala duwan, sida Boolis, Militry, Nabad Sugid, iyo kuwo kale oo shaar dowladeed magacyo kala duwan loogu bixiyay.
Markii ugu fiicneyd Muqdisho waxey aheyd xiligii Midowgii Maxaakiimta Islaamiga 2006-kii  oo muddo lix bil ah xasilooni iyo nabad ka dhigay Magaalada Muqdisho, waxaana la soo afjaray dhamaan nuucyada kala duwan ee fal-dambiyeedyada sida dilalka, dhaca, boobka, dagaalada iyo qaraxyada , xitaa heer waxeey gaartay labadii qof ee is feerta in maxkamad looga yeero.
Hadda waxaa dhisan dowlad Federal ah oo leh awood ay kaga hortagto wax waliba oo ay dooneyso balse aan u soo jeedin iney si dhab ah ula falgasho Muqdisho oo xaalad dhiig ah kujirta oo maalin waliba waxaa lagu dilaa dadkeedii iyadoo Xukuumadda Ra’isul wasaare Khayere aysan waxbo ka qaban.
Majiro qorshe u dagsan dowladda si Magaalada loo nabadeeyo, Dagmo walbo waxey leedahay gudoomiye iyo ciidamo kala duwan oo hoos yimaada, maxaa diiday in sidii Maxaakiimta oo kale loo xaqiijiyo ilaalinta nabad-galyada iyo nolosha shacabka Muqdisho, maxaa yeelay waxey heystaan fursadii maxaakiimta mid ka sii wanaagsan.
Hadii dagmo waliba ciidamo ku filan lagu baahiyo dhamaan xaafadaha hoos yimaada, suuqyada, isgoysyada, jid-cadayaasha- xaafad walbana laga furo dhowr xarumo ciidan (Stations)  isla markaana dabagal iyo xisaabtan lagu sameeyo ciidankaas, waxey ka hortagi karaan dilalka  Muqdisho ka dhaca amaba dilka ka dib waxeey qaban karaan dambiilaha, midaas waa iska cadahay, laakiin  madaxda dowladda cidna kama joogto Muqdisho kulli dibadaha ayeey ku nool yihiin qoysaskooda ha ahaado; Madaxweyne, Ra’isul Wasaare, Xildhibaan , Gudoomiyaha gobalka Banaadir ama Wasiir iyo IWM.
Dilalka hadda ka dhaca Muqdisho ayaa isdaba joog ah waxaana  wax dila kooxo Argagixiso ah, sida Al Shabaab iyo daacish, koox u hubeysan qaab beeleed, kuwo dhar cas ah oo qofkey rabaan iska dila una shaqeeya dowladda iyo dad shacab ah oo isku dilaya arimo ay isku hayaan,.
Dhamaan dilalkaas dowladda uu Hogaamiye Madaxweyen Farmaajo iyo Xukuumadda Ra’isul wasaare kheyre weey ka warqabaan har iyo habeen iyagoo awood u leh iney ka hortagaan, balse dusha sare ayey ka daawanayaan waxaana ay  isku ilaaliyaan xarumaha dowladda iyo gawaari aysan xabaddu karin.
Qof kasta oo Muqdisho ku nool ee qof dila  dad baa yaqaan wuxuu doono ha ahaadee, maxaa diiday in la soo qabto, mase la dabagalay horta.
Dilalka qaar waxeey ka dhacaan meel ciidan iyo shacab dhooban yihiin, cid la hadasha majirto kooxaha wax dila marka ay qof dilayaan, waxaa intaas kaaga sii daran ciidamada ma qabtaan ragaas mana daba galaan, waxaaba moodaa iney wada shaqeyn leeyihiin.
Iskaba daa in kooxo hubeysan laga hortago waxey dowladani ku fashilnatay in ciidamaeeda shacabka laaya  tiirka cadaaladda la geeyo oo dil lagu fuliyo, waxaa ugu yaraan hoos u dhici laheyd shacabka ay dilaan ciidamada, waxba la dhaho, kaaga sii darane meeshii uu wax ku dilay ayuu taaganyahay iyadoo cid walbo u jeedo in qof shacab ah uu dilay, waa fashil weyn oo dowladda heysto.
Magaalooyinka kale ee dalka cidna laguma qarxiyo waxna laguma dilo, hadii ay dhacdana waa dhif iyo naadir, sababta waa dad is yaqaan oo isku qabiil ah  maamulkoodana si dhab ah ayuu ula falgalaa markey dhibaato ka dhacdo.
Qof waliba oo falanqeyntan akrhristay wuxuu aaminsanyahay in Muqdisho nabad laga dhigi karo xitaa iyadoo qabiilo badan iyo dad aan is aqoon ku nool yihiin, balse dowladda diyaar uma aha iney qabsato shaqadeeda.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com




READ MORE FROM THE SOURCE: Xog ku saabsan sababta ay DF uga hor-tagi la’dahay dilalka qorsheysan (Aqri)

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.