Xog: Maxaa ka jira in xil ka qaadis lagu sameynayo G/G/Banaadir ahna duqa Muqdisho? (Yaa loo wadaa)

0
264

Muqdisho (Caasimada Online)-Warar lagu kalsoon yahay oo aan ka heleyno madaxtooyada Somalia ayaa sheegaya inuu socdo qorsho xilka looga qaadayo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Eng, Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow.
Wararku waxa ay sheegayaan in Guddoomiyaha Gobolka oo hadda safar shaqo ugu maqan dalka Imaaraadka carabta uu dhawaan weyn doono xilka, waxaana jira warar hoose oo sheegaya in lagu cadaadinaayo inuu iska casilo xilka.
Qorshaha ka socda madaxtooyada Somalia ayaa sheegaya in xilkaasi loo wado Wasiirka Amniga Xukuumada Somalia Maxamed Abuukar Islow Ducaalle.
Wasiir Ducaale oo ay aad isugu dhow yihiin Madaxweynaha iyo Ra’isul wasaaraha ayaa isna weyn doona kursiga Xukuumada, inkastoo ay jiraan shaqsiyaad kala oo u tartamaaya kursiga Yariisow.
Shaqsiga labaad ee la hadal hayo inuu u tartamaayo xilka Guddoomiyaha Gobolka ayaa la sheegay inuu yahay Maareeyaha Hay’adda Duullista iyo Saadaasha Hawada Soomaaliya Yuusuf Cabdi Cabdulle oo isagu dhawaan laga fadhiisiyay shaqada.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Eng, Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow, ayaa markiisii hore waxaa xilka loogu magacaabay si kedis ah kadib markii ay dowlada Somalia u maara weysay Guddoomiyihii hore Taabit Cabdi oo doorasho iskiisa ah isku magacaabi lahaa.
Sidoo kale, qorshahan xil ka qaadista oo hadal heyntiisa uu sii xoogeysanaayo ayaa imaanaya xili dowlada Somalia ay weli ku guda jirto isbedelo lagu sameynaayo madaxda xilalka heysa.
Ma cadda dhaqan galka qorshahaani hase yeeshee waxaa si xooli ah magaalada Muqdisho uga socda hadal heynta xil ka qaadista Yariisow iyo mas’uulka bedeli lahaa oo miiska saran.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com




READ MORE FROM THE SOURCE: Xog: Maxaa ka jira in xil ka qaadis lagu sameynayo G/G/Banaadir ahna duqa Muqdisho? (Yaa loo wadaa)

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.