Xog: Muxuu salka ku hayaa muranka weyn ee SHIRKA shidaalka Somalia ee London?

0
161

London (Caasimadda Online) – Waxaa maanta oo Khamiis ah magaalada London ee Britain lagu qabanayaa shir lagu soo bandhigi doono maclumaad la xiriira sahmin shidaal oo laga sameeyay Soomaaliya.Shirkan oo ay soo qaban qaabisay dowladda federaalka ee Soomaaliya ayaa natiijada sahanka waxaa soo bandhigi doonta shirkadda Spectrum.Inkastoo shir kan lamid ah horay loogu qabtay dalka koonfur Afrika, loogana hadlay shidaalka Soomaaliya ayaa haddana waxaa arrintan walaac ka muujiyay qaar kamid ah axsaabta siyaasadda Soomaaliya oo shirkaasi ku tilmaamay mid lagu “xaraashayo” kheyraadka dalka.waxaa jira warar badan oo been abuur ah oo gudaaman shirkan London.Balse wasiirka macdanta iyo batroolka ee Soomaaliya Cabdirashiid Maxamed Axmed ayaa BBC-da u sheegay in sahankii la sameeyay uu muujinayo in Sooomaaliya laga helay cadeymo muujinaya shidaal, shirka London na lagu soo bandhigi doono.“Tallaabada xigta ee la qaadayo (Shirka kadib) waxay tahay, in shidaal in lasoo saaro wuxuu u baahan yahay sharciyad, xeerarkii inay diyaar yihiin, waxaan barlamaanka kala shaqeeneynaa in aan dhameystirno sharcigii shidaalka ee Soomaaliya oo dib u eegis lagu sameeyay, kadib ayaan bilaabi karnaa howlihii kale, shirka waa mid shirkadaha caalamiga ah loogu sooo jeedinayo inay arkaan kheyraadka dhulkeena”. Ayuu yiri wasiirka Batroolka ee Soomaaliya.Shalay waxaa warqad qoraal ah soo saaray guddiga kheyraadka ee Aqalka Sare, taas oo lagu sheegay in shirka London uu sharci darro yahay maadaamaa xeerkii batroolka aanan weli la ansixinin.Waxa kale oo guddiga Aqalka Sare uu sheegay in qodobka 44-aad ee dastuurka uu dhigayo qeybsiga kheyraadka dalka, halkaasna ay soo galayaan dowlad goboleedyada oo aanan waxbo kala soconin shirkan.Haseyeeshee wasiirka batroolka Soomaaliya Cabdirishiid Maxamed Axmed oo BBC-da la hadlay ayaa u muuqda in uu ka jawaabay arrintaas “Waa jira heshiis rasmi ah oo dowladda federaalka ee Soomaaliya ay la gashay dowlad goboleedyada sannadkii hore, bishii Juun 5-teedi, kaasi oo lagu saxiixay heshiiska la haanshaha maamulka iyo wadaagga kheyraadka batroolka iyo macdanta Soomaaliya oo ay ku caddahay dhamaan ciddii maamuli laheyd, yaa iskaleh, sidee loo kala qaadanayaa, dowlad goboleedyada maxay qaadanayaan, dowladda dhexe maxay maamuleysaa, dowlad goboleedka aan waxba soo saarin muxuu heli doonaa , intaasi oo dhan iyadoon wali wax xisabaad ah soo bixin ayaa lagu heshiiyay”.Sida ku xusan bogga shirkadda Spectrum ee ay dowladda u xilsaartay baarista xogta shidaalka, shirka waxaa la filayaa in dowladda ay kusoo bandhigto sharciga iyo xeerarka lagu hagayo maalgashiga shidaalka iyo hab-raacyada.Lama oga kuwa ay yihiin xeerarka iyo hab-raacyada ay Spectrum ka hadlayso mar haddiiba sharcigii shidaalka uusan baarlamaanka federaalka ansixinin.Hogaamiyaha xisbiga wadajir, Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo war saxaafadeed uu kaga hadlayo arrintan soo saaray ayaa sheegay in shirkaasi uu yahay sharci darro, warbixinta sahminita shidaalka na horay loogu soo bandhigay Koonfur Afrika, waxa hadda London lagu qabanaya na uu yahay sidii xirmooyinka shidaalka ee Soomaaliya loo “xaraashi” lahaa.“Waxaa sharci daro ah in la qabto shir lagu xaraashayo (Auction) ama beecinayo shidaalka Soomaaliya, iyadoo sharcigii Batroolka iyo Khayraadka aysan 2-da aqal ee Baarlamaanku meelmarin, lana dhisin hay’addii iyo golayaashii laga maarmaanka u ahaa ilaalinta shidaalka iyo Macdanta Soomaaliya”. Ayaa lagu sheegay war saxaafadeedka.Balse wasiirka macdanta iyo batroolka ee Soomaaliya Cabdirashiid ayaa BBC-da u sheegay in sahankii la sameeyay uu muujinayo in Sooomaaliya laga helay cadeymo muujinaya shidaal, shirka London na lagu soo bandhigi doono.“Tallaabada xigta ee la qaadayo (Shirka kadib) waxay tahay, in shidaal in lasoo saaro wuxuu u baahan yahay sharciyad, xeerarkii inay diyaar yihiin, waxaan barlamaanka kala shaqeeneynaa in aan dhameystirno sharcigii shidaalka ee Soomaaliya oo dib u eegis lagu sameeyay, kadib ayaan bilaabi karnaa howlihii kale, shirka waa mid shirkadaha caalamiga ah loogu sooo jeedinayo inay arkaan kheyraadka dhulkeena”. Ayuu yiri wasiirka Batroolka ee Soomaaliya.Sida ay shirka hadalheyntiisa u badantahay, ka qeybgalkiisa uma badna, xitaa kama qeybgalayaan madaxda ugu saraysa ee dowladda Federaalka, waxaase loo direy wasiirka batroolka iyo madax kale oo mas’uuliyadooda ay tahay waxyaabo kale.Sida ay sheegtay shirkadda Spectrum, waxaa lasoo bandhigayaa illaa 50 aag-shidaal laga heley xogtooda, kuwaas oo cabir ahaan dhan 173,000 km2.Hase yeeshee lama oga waxa dhacaya bandhigista kadib, shirkadaha ka qeybgalaya iyo tallaabada xigta ee ay dowladda federaalka qaadi doonto.Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com




SOURCE: Xog: Muxuu salka ku hayaa muranka weyn ee SHIRKA shidaalka Somalia ee London?

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.