XOG: Sagaalka Saxeex Ee Kooxaha Ingiriisku Samayn Karayaan Ka Hor KHAMIISTA Oo Suuqa Iibku Xidhmayo – 4 ama 5 Ciyaartoy Oo Arsenal Imanaya, Chelsea, Liverpool Iyo Man United Oo Ka Faa’iidaysan Doona

0
74

Laba maalmood oo kaliya ayaa ay haystaan kooxaha horyaalka Ingiriiska ee Premier League inay kaga faa’iidaystaan suuqa iibka ciyaartoyga ee bisha January, waxaana ay guul iyo khasaare mid ay noqotaba kaga bixi doonaan saacadaha ugu dambeeya ee Khamiista oo si rasmi ah suuqu uga xidhmi doono.
31 January, marka ay saacaddu tahay 11 ka fiidnimo ee waqtiga UK ayaa gebi ahaanba ay kooxuhu faraha kala bixi doonaan suuqa, waxaana dhaqdhaqaaq xooggan wada Kooxaha Arsenal, Manchester United, Chelsea, Liverpool iyo Tottenham ayaa dhamaantood lala xidhiidhinayo ciyaartooyo ay doonayaan inay laba maalmood gudahood kusoo xero-geliyaan.
Arsenal oo kala-daadsanaan ka muuqato ayaa ah naadiga sida ugu adag ugu jira suuqa, waxaana ay wararku sheegayaan in afar illaa shan ciyaartoy ay kula soo saxeexan doonaan labada maalmood ee ay haystaan, hase yeeshee dhibaatada jirta ayaa ah in aanay wax lacag kaash ah sidanin oo ay amaah suuqa ugu jiraan.
Arsenal

Ivan Perisic – Arsenal ayaa waxay raadinaysaa laacibka Inter Milan ee Perisic oo ah bartilmaameedkooda koowaad, waxaana wararku ay sheegayaan inay suurtogal tahay in inta ka horreysa Khamiista ay ku guuleysato saxeexiisa, inkasta oo warar kalena tibaaxayaan in Inter Milan ay ka  biyo diidday dalabka Gunners ee amaahda ah. Ciyaartoyga ayaa isaguna dalbaday in la fasaxo sida warbaahinta Talyaanigu qortay.
Denis Suarez – Sida uu wargeyska The Sun daabacay, Arsenal waxay weli wada hadallo kula  jirtaa Barcelona, waxaanay fursad u haysataa in ay dhamaystirto heshiis ay kagala soo wareegto kubbad-sameeyaha Denis Suarez.
25 jirkan ayaa isaguna dabada ka riixaya in kooxdiisu ogolaato dalabka Arsenal.
Christopher Nkunku – Sida uu qoray wargeyska Football.london, Arsenal ayaa rajo ka qabta in ka hor dhamaadka waqtiga ay heshiis kula soo wareegto laacibka PSG ee Christopher Nkunku.
Da’yarkan ayaa boosas badan ka ciyaari kara, waxaana si fiican u yaqaana tababare Unai Emery, waxaanu ka shaqaynayaa sidii kooxdiisu u heli lahayd.
Gary Cahil – Arsenal ayaa doonaysa inay hesho kabtanka rasmiga ah ee Chelsea oo tababare Sarri uu ku iloobay kaydka.
Wargeyska Daily Mirror ayaa waxa uu sheegay in Arsenal ay ku qasbayso difaacyahankan xaaladda degdegga ah ee dhaawacyadii Jimcihii soo gaadhay Sokratis iyo Koscielny.
Malcom – Ciyaartoyga shanaad ee ay doonayaan inuu yimaaddo Arsenal amaba lala xidhiidhinayo ayaa ah baasha Barcelona ee Malcom oo Gunners ay doonaysay intii uu joogay Bordeaux, hase yeeshee waxa iyaduna doonaysa Tottenham oo ay ka dhaawacan yihiin Harry Kane iyo Dele Alli.

Chelsea: Kaddib markii uu ka tegay Cesc Fabregas oo ku biiray Monaco, waxay Blues raadinaysaa beddelkiisa rasmiga ah iyagoo og in Mateo Kovacic uu yahay amaah ku laaban doona Real Madrid dhamaadka xili ciyaareedka.
Chelsea ayaa waxay doonaysaa in maalmaha kooban ee u hadhay ay lasoo saxeexato ciyaartoyga Nicolo Barella oo 50 milyan oo Gini lagu qiimeeyey.
Manchester United iyo Liverpool: Sida uu qoray wargeyska Daily Mirror, Manchester United iyo Liverpool ayaa waxay ku hirdamayaan saxeexa laacibka baasha uga ciyaara PSV Eindhoven ee Steven Bergwijn.
Laacibkan oo lagu qiimeeyey lacag dhan 25 milyan oo Gini ayaa waxa labadan kooxoodba ay illaa khamiista ku mashquuli doonaan qaabkii ay ugu qancin lahaayeen inay ka iibiyaan baashan tayada leh.
Everton iyo West Ham: Labadan kooxood ayaa ku hirdamaya hal ciyaartoy oo ay heshiiskiisa ka shaqayn doonaan illaa saqda dhexe ee habeenimada Jimcuhu soo gelayo, waana laacibka lagu magacaabo Andreas Perira oo ka tirsan Manchester United.
Laacibkan oo u dhashay waddanka Brazil ayaa fursad u waayey tababareyaashii kala dambeeyey ee Manchester United, waxaana dalabyo usoo gudbistay West Ham iyo Everton.
Newcastle iyo Fulham: Labadan kooxood waxay ku tartamayaan halgamaaga Manchester United ee Antonio Valencia oo ay quud-daraynayaan inay ku qancin karaan inuu heshiis u saxeexo, iyadoo qandaraaskiisa Old Trafford uu dhacayo dhamaadka xili ciyaareedka.
Wargeyska The Sun ayaa waxa uu qoray in Valencia ay u muuqato inuu ka tegayo Old Trafford, maadaama booskiisa difaaca midig ay hadda kaga horreeyaan Ashley Young iyo Diogo Dalot.
 
 
The post XOG: Sagaalka Saxeex Ee Kooxaha Ingiriisku Samayn Karayaan Ka Hor KHAMIISTA Oo Suuqa Iibku Xidhmayo – 4 ama 5 Ciyaartoy Oo Arsenal Imanaya, Chelsea, Liverpool Iyo Man United Oo Ka Faa’iidaysan Doona appeared first on Latest football news.




SOURCE: XOG: Sagaalka Saxeex Ee Kooxaha Ingiriisku Samayn Karayaan Ka Hor KHAMIISTA Oo Suuqa Iibku Xidhmayo – 4 ama 5 Ciyaartoy Oo Arsenal Imanaya, Chelsea, Liverpool Iyo Man United Oo Ka Faa’iidaysan Doona

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.