Xog: Sidee Al-Shabaab ugu suurta gashay inay galaan Hotel SYL, maxaase kadib dhacay?

0
16

Muqdisho (Caasimada Online) – Abaaro 7:00-pm habeenimo ee xalay, dagaalyahano hubaysan oo ka tirsan Al-Shabaab ayaa gudaha u galay Hotelka SYL ee magaalada Muqdisho, kaas oo ku dhex yaalla xeyn daabka laga ilaaliyo madaxtooyada Soomaaliya.
Weerarkan oo ka duwanaa kuwii looga bartay Al-Shabaab oo ku bilaaba jiray qaraxyo is miidaamin ah, oo hadba meeshii ay galayaan dagaalyahanadoodu uga hor mari jiray, ayaa waxaa fuliyey shan nin oo soo xirtay tuutaha ciidanka booliska dowladda Soomaaliya.
Ragga soo qaaday weerarka oo ka yimid dhinaca isgoyska Ceel-gaabta ayaa si ay gudaha u galaan hotelka waxay iyagoo iska dhiganaya jaraanjaro ka soo boodeen derbi dheer oo dhabarka danbe uga wareegsan Hotelka.
Labo ka mid ah shantii dagaalame ayaa goobtaas lagu toogtay, waxaana gudaha u galay hotelka seddax ka mid ah dagaalyahanadii hubaysnaa, kuwaas oo toogasho ka bilaabay banaanka iyo gudaha hotelka.
Hotelka waxaa ka dhaceysay labo xafladood oo mid aheyd bandhig bookaag lagu soo bandhigaayey, halka tan kale ay aheyd casho sharaf loo sameynayey siyaasiyiin iyo wax-garad shalay Muqdisho uga qeyb galay caleema saarka guddoomiyaha midnimada beelaha Habargidir Prof Cabdulqaadir Maxamed Shirwac.
Seddaxda nin oo ay u suurta gashay inay gudaha u galaan hotelka waxay ugu horeyntiiba toogteen seddax oday oo ka mid ahaa odayaashii ku casuumnaa goobta oo ay ku kulmeen barxadda hore ee Hotelka.
Dagaalamayaasha ayaa u gudbay gudaha waxayna ka bilaabeen toogasho in kastoo dadkii badankooda ay carareen qaarna qolal isku soo xireen, durbadiiba waxaa gudaha u galay hotelka ciidamada koofiya casta ee ilaalada madaxtooyada oo wata gaadiid dagaal, waxayna banaanka u soo saareen dad u badan siyaasiyiin oo ku go’doonsanaa qeybo ka mid ah hotelka.
Mid ka mid ah sarakiisha hoggaaminaysa ciidamada ilaalada Madaxtooyada ee ku howlanaa soo afjaridda weerarkaas ayaa Caasimada Online u sheegay in seddaxda dagalame ay ciidamadu uga hor mareen qeybta sare ee Hotelka, halkaas oo sida uu sheegay ay doonayeen inay ka dagaalamaan.
“Waxaan joognay meel aan ka fogeyn hotelka markaan fahanay in la galay hotelka waxaan degdeg ku galnay hotelka ugu horeyntiiba waxay indhaheygu qabteen meydadka seddax oday oo yaalla banaanka hore ee hotelka, gudaha ayaa sii galnay waxaan aragnay ilaaladii hotelka oo dagaalamaya iyo ragii oo u gudbay gudaha, waxaan jaranjarooyin ku fuulnay qeybta kore ee hotelka”, ayuu yiri sarkaalku.
Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu yiri, “Markii aan xaqiijinay inaysan u gudbin kor waxaan u soo degnay hoos qeybta dhexe ayaan uga hor nimid oo ay cabaar nagula dagaalameen, wax yar kadib waxay isku dayeen inay hoos u dagaan oo baxsadaan askari ka tirsan ilaaldii hotelka ayay hoos ku dileen waxayna isku dayeen inay ka boodaan derbiga danbe, hal mid ayaan halkaas uga dilnay waxaana soo haray labo kale oo aad u hubeysan waxyar ka dibna bam  gacmeed ayay nagu soo ridayeen ka hor inta aan ugu dambeyn la toogan” ayuu yiri mid ka mid ah saraakiisha hogaaminaysa ciidanka la tacaalaya weerarka.
Sarkaalkan oo naga dalbaday inaan adeegsan magaciisa ayaa sheegay in labadii nin ee soo hartay ay galeen guri danbe oo shub ah hub kasta oo loo adeegsadana uusan waxaba ka tareyn, halkaas oo ay ka soo ridayaan rasaas iyo bambaanooyin culus oo ay wataan.
Ugu dambeyntii saqdii dhexe ee Xalay ayey ciidamada Dowladda ku guuleysteen inay toogtaan dableydii Hotelka ka dagaalameysay, waxaana weerarkaas ka dhashay khasaaro xooggan inkastoo aysan jirin cid si rasmi ah usoo bandhigtay.
Ururka Al-Shabaab ayaa sheegtay inuu weerarkaas u dhacay sidii ay ugu talagashay isla markaasna ay ku dishay 25 qof oo ay sheegeen inay ahaayeen xubno ka tirsan Dowladda Soomaaliya.
Dowladda Soomaaliya ayaa iyana sheegtay in weerarka lagu dilay shan qof oo kala ah laba askari iyo saddex shacab ah. Sidoo kalena la wada dilay shantii Shabaab ee weerarka soo qaaday.
Su’aasha ugu weyn ee weerarkan ka dhalatay waxay tahay: Sida ay ku suuragashay inay maleeshiyada Al-shabaab ku gaaraan Hotelka SYL oo ku yaalla aag si weyn loo ilaaliyo oo ciidamada Madaxtooyada ku hareereysan yihin..?, waxayna jawaabta hadba loo helo su’aashani ay fure u noqon doontaa in laga hortago weerraro noocan oo kale ah oo mustaqbalka dhaca.
Dad badan ayaa shaki ka muujinaya suuragalnimada in ciidamo aan la aqoon loo fasaxo wadaddaasi ayna gaaraan afaafka laga halo madaxtooyada iyo Hotelka SYL, kadibna ay fuliyaan weerar heerkan gaaraya iyagoo ku hubeysan hub fudud iyo bambooyin, waxayna soo jeedinayaan tuhun ah inuu jiro la shaqeyn iyo fududeyn, haddiise eeddaas meel la iska dhigo xitaa waxaa cad in ugu yaraan uu jiro dayac weyn oo halistan keenay.




SOURCE: Xog: Sidee Al-Shabaab ugu suurta gashay inay galaan Hotel SYL, maxaase kadib dhacay?

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.