XOG: Toddobada Kulan Ee Ay Ku Xidhan Tahay Rajada Man City Ee Xili Ciyaareedka Iyo Madax-xanuunka Sugaya Pep Guardiola

0
54

Manchester City ayaa u dagaallamaysa inay difaacato horyaalka Premier League oo ay xili ciyaareedkii hore ku qaadeen dhibco rikoodh jebis ah oo ay ka horreeyeen naadigii kusoo xigay, laakiin taasi way ku adag tahay inay mar kale ku celiyaan.
Horyaalka oo la ciyaaray kulamadii 24aad, waxay ku jirtaa kaalinta labaad oo ay afar dhibcood ka dambayso Liverpool oo ciyaarteeda toddobaadka caawa yeelanaysa, haddii ay guuleysatana toddoba dhibcood ka dhigan doonta farqiga dhibcaha ay ka sarrayso City.
Guul-darro xanuun badan oo xalay ay Newcastle u xambaarisay Manchester City ayaa waxay baabi’isay rajada Pep Guardiola ee xili ciyaareedkan, waxaana kasii daran kulamada sugaya ee bisha February oo dhab ahaan noqon doona kuwa go’aamin doona natiijada ay xili ciyaareedkan ka keeni doonto horyaalka iyo halka ay kaga dhamaysan doontaba.
Kulanka ugu soo horreeya ee tartanka Premier League, waxay Manchester City garoonkeeda Emirates ku qaabili doontaa Arsenal Axadda toddobaadka soo socda, waxaana ugu xigi doonta Everton oo ay marti u noqon doonto saddex maalmood kaddib.
Marka ay kasoo doogto labadan ciyaarood toddobaad gudihii ay ku waajahayso naadiyadan adag, waxay Axadda xigta la ciyaari doontaa Chelsea oo ugu iman doonta Etihad Stadium, waana saddexda kulan ee ugu soo horreeya ee sugaya.
20 February, waxay la ballansan tahay Schalke 04 oo ay lugta koowaad ee wareegga 16-ka tartanka Champions League wada ciyaari doonaan, laakiin waxa uga soo horreynaysa kulan ka tirsan wareegga shanaad ee FA Cup oo 17 February ay ciyaari doonto.
Iyadoon weli gaggabkaas ka bixin ayaa waxay iska hor iman doonaan Chelsea oo ay iskugu soo hadheen finalka EFL Cup ee hadda loo bixiyey Carabao Cup, kaas oo ku muddaysan inuu qabsoomo 24 February oo ku beegan maalin Axad ah, waxaase madax-xanuun kale ay ku mari doontaa magaalada London Salaasada isla toddobaadkaas oo ay West Ham u tegi doonto.
Kulamada horyaalka ah ee ay ku waajahayso Arsenal, Everton, Chelsea iyo West Ham, oo lagu daray saddexda kulan ee kale Champions League, EFL Cup iyo FA Cup, waxay ka dhigan tahay in afar maalmood oo kasta ay hal kulan ciyaari doonto bisha February, waana sababta loogu tilmaamay in bishan iyo kulamadani yihiin kuwa go’aamin doona mustaqbalka Man City ee xili ciyaareedkan.
 
The post XOG: Toddobada Kulan Ee Ay Ku Xidhan Tahay Rajada Man City Ee Xili Ciyaareedka Iyo Madax-xanuunka Sugaya Pep Guardiola appeared first on Latest football news.




SOURCE: XOG: Toddobada Kulan Ee Ay Ku Xidhan Tahay Rajada Man City Ee Xili Ciyaareedka Iyo Madax-xanuunka Sugaya Pep Guardiola

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.