Xog: Xaqiiqda Lafta-gareen iyo Waare ee shirka Garoowe (Maxay ka ahaayeen madasha?)

0
209

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Garowe ee Caasimadda maamulka Puntland waxaa guud ahaan kusoo dhamaaday Shir looga hadlaayay Xaaladda Soomaaliya oo ay ka qeyb galeen Madaxda maamul goboleedyadda iyo kuwa dowladda dhexe ee Soomaaliya, kaasoo socday Muddo 10 maalmood ah.Shirkaan ayaa markii ugu horreysay waxaa lagu ballamay in looga hadlo Arrimaha doorashooyinka, dib u eegista dastuurka iyo Khilaafka dowladda dhexe ee Soomaaliya iyo maamul goboleedyadda qaarkood.Shirkaan ayaa ka dhashay kulan Nairobi ay ku yeesheen Madaxda maamul goboleedyadda Jubbaland, Galmudug iyo Puntland, kuwaasoo ku ballamay in Madaxweyne Dani uu isku yeero Madaxda maamul goboleedyadda iyo Labadda Mas’uul ee ugu sareysa dalka sidda Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha.Inkastoo uu shirkii Garowe kusoo dhamaaday Fashil iyo heshiis la’aan haddana waxaa su’aal ka taagan tahay doorkii ay shirkaasi ka qaateen guul iyo guuldaraba Madaxweynayeyaasha Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed.Xubno ka qeyb galay Shirkii Garowe ayaa xaqiijiyay in labadda Madaxweyne aysan door ka qaadan Shirkaasi Arrimihii looga hadlaayay oo dooda ugu badan ay dhexmartay Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Geelle, Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe, Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni iyo madaxda dowladda dhexe.Shan maalmood waxaa shirar gaar ah ku jiray Madaxweynaha Puntland, Madaxweynaha Jubbaland, Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweynaha Galmudug, kuwaasoo looga hadlaayay Khilaafka dowladda dhexe iyo maamul goboleedyadda Jubbaland iyo Galmudug.Markii loo gudbay qodobadda Arrimaha dib u eegista Dastuurka, xeerka doorashooyinka iyo deeqaha beesha Caalamka ay siiso Soomaaliya, waxaa marna dooda ku saabsan qeybahaasi ka qeyb qaadan Madaxweyneyaasha Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed.Qaar ka mid ah Siyaasiyiinta Soomaaliyeed ayaa sheegay in Madaxweynayeyaasha Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed uu kaga lumay Waqti joogitaanka Magaalada Garowe, islamarkaana ay habooneyd in ka baaqdaan oo ay howlaha kale ee maamulkooda ay qabsaddaan, Maadaama wax walba ay heshiis kula yihiin Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre.Madaxda Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed ayaa shirka kusoo bandhigin baahiyaha ka jira degaanada ay maamulaan, maadaama qaarkoood ay ku jiraan Go’doon oo ay adag in la isku kala gudbo.Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed ayaa kursiga waxaa geysay dowladda dhexe ee Soomaaliya oo ku bixisay dhaqaalle badan, taasoo xataa sababtay in lasoo xiro shaqsiyaad kula tartamayay kursiga oo looga cabsaday in ay guuleystaan, waxaana jirta in uusan taageero ka heysan Shacabka marka laga reebo dowladda oo kursiga geysay.Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare oo horay dhowr jeer dowladda uga soo horjeestay ayaa lagu kiciyay Khalalaase sababay in Xildhibaanda Hirshabeelle oo Xamar dhaqaallo looga dhiibay in ay ugu hanjabaan in ay xilka ka qaadi doonaan, taasoo markii ugu dambeysay sababtay in hoos yimaado dowladda dhexe si shuruud la’aan ah uuna kasoo baxo Golaha Iskaashiga maamul goboleedyadda.Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa kulan la qaatay labadda Madaxweyne ka hor inta uusan bilaaban Shirka, waxaana labadda Madaxweyne ka muuqatay in aysan sinaba dowladda dhexe aysan ula xisaabtami karin.Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com




SOURCE: Xog: Xaqiiqda Lafta-gareen iyo Waare ee shirka Garoowe (Maxay ka ahaayeen madasha?)

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.