Xoghayaha QM oo war ka soo saaray magacaabista qofka beddelaya HAYSOM

0
185

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaramada Midoobay ayaa ka hadashay markii ugu horeysay muddo bil iyo maalmo kadib goorta laso magacaabayo wakiilka xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsanaanaya Soomaaliya.Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Gutteres ayaa sheegay inuu tagayo magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia, halkaasi oo uu kaga qeyb galayo shir looga hadlayo arimaha Africa.Wuxuu amaanay dowladda Soomaaliya, isaga oo sheegay in Soomaaliya ay hadda gaaray horumar badan, islamarkaana loo baahan yahay in Caalamka ay si dhow ula shaqeeyaan dowladda.Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa sheegay in dhawaan lasoo magacaabi doono wakiilka QM ee Soomaaliya, isaga oo sheegay inay socdaan latashiyo badan oo ay sameynayaan.Qaramada Midoobay iyo Soomaaliya ayuu sheegay inuu soo hagaagayo xiriirkooda oo mugdi aan buurneyn uu galay tan iyo horaantii sanadkaan oo dowladda Soomaaliya ay dalka ka ceyrisay Haysom.Dowladda Soomaaliya ayaa dhankeeda lagu dhaliilay go’aana tooska ahaa ee ay ka qaadan Nicholas Haysom, waxaana Dowladda llagu wargeliyay inay ka taxadarto go’aanadaasi oo kale.Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com




SOURCE: Xoghayaha QM oo war ka soo saaray magacaabista qofka beddelaya HAYSOM

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.