Xubno sar sare oo ka tirsan Al-Shabaab iyo Maxaabiis lagu laayey Jilib + magacyada

0
48

Kismaayo (Caasimada Online) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya duqeyn saacadihii la soo dhafay ka dhacday degmada Jilib ee gobolka Jubbada DhexeDuqeynta oo dhacday xalay saqdii dhexe ayaa lagu soo warramayaa in lala beegsaday afar goobood oo ay ku sugnaayeen Al-Shabaab.Goobaha la duqeeyay ayaa waxaa ka mid ah xarunta degmada, saldhigga, xarun qaraxyada lagu diyaariyo iyo xarun kale oo ay ku sugnaayeen dagaalyahanno la sheegay in loo diyaarinayay inay weeraraan fariisimaha ciidamada Jubbaland iyo kuwa AMISOM ay ku leeyihiin deegaanka Baarsanguuni ee gobolka Jubbada Hoose.Ku dhawaad 20 dagaalyahan ayaa ku dhintay duqeynta lala bartilmaameedsay xarunta degmada, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen ilo lagu kalsoon yahay.Xubnaha la dilay ayaa waxaa la sheegay inuu ku jiray sarkaalkii maamulayay saldhigga degmada Jilib oo magaciisa lagu so gaabiyey Xasan Dheere iyo ku xigeenkiisa oo lagu magacaabi jiray Macalin Cali.Sidoo kale dadka ku dhintay duqeyntan ayaa waxaa ka mid ah dad u xirnaa Al-Shabaab, kuwaas oo tiradooda lagu sheegay illaa 5 Qof.Dhinaca kale waxaa jira khasaare xoogan oo ka dhashay weerarada kale, balse aan la cadeyn karin inta uu la egyahay.Lama oha heybta diyaaradaha dagaal ee fuliyey duqeyntaasi, hase ahaatee inta badan diyaaradaha Mareykanka ayaa duqeyn ka fuliya koofurta Soomaaliya.Weli ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay dhinaca dhaq dhaqaaqa Al-Shabaab oo ku aadan duqeyntaasi.Caasimada Online Xafiiska Kismaayo Caasimada@live.com




SOURCE: Xubno sar sare oo ka tirsan Al-Shabaab iyo Maxaabiis lagu laayey Jilib + magacyada

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.