Xubno Shabaab ah oo lagu qabtay Afgooye kahor booqashada Farmaajo

0
266

Afgooye (Caasimadda Online) – Saraakiisha Ciidanka Dowlada Soomaaliya ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen 11 Dagaalame oo ka tirsan Al-shabaab kadib Howlgal ay ka sameeyeen Degmadda Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose.
Cabdiqaadir Cismaan Nuunow, oo kamid ah Saraakiisha ciidamada ee Afgooye oo la hadlay warbaahinta maxaliga ah ayaa shaaca ka qaaday in qof dumar ah ay kamid tahay dadka lagu soo qabtey howlgalka ciidamada.
Mid ka mid ah Dadka Howlgalka lagu soo qabtay waa gabar, halka 11 kale waa rag.
Sargaalka la hadlay  warbaahinta maxaliga ah oo diiday in aan magaciisa la deegsado ayaa xaqiijiyay in ragga Howlgalka lagu qabtay uu ka mid yahay Madaxii maaliyadda ee Al-shabaab u qaabilsanaa Degmadda Afgooye.
Wuxuu tibaaxay inay kusoo wareejin doono Hay’addaha amaanka ee Magaaladda Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya, si buu yiri loo marsiiyo baaritaano dheeraad ah, islamarkaana loo horgeeyo Maxkamadda ciidamadda Qalabka sida.
“Ciidamada amaanka ee degmada Afgooye kadib howlgal balaaran oo ay sameeyeen, waxay gacanta kusoo dhigeen 11 ruux Kuwaasoo aan hubinay inay yihiin Al-Shabaab,” ayuu Taliye Nuunow raaciyay hadalkiisa.
Howlgalkan ayaa ahaa mid lagu xaqiijinayo amaanka degmada, oo saacadaha soo socda la filayo inuu gaaro Madaxweyne Farmaajo, oo shalay aka baaqday booqashadiisa Afgooye.
Lama ujeedka dhabta ah ee ka dambeysa socdaalka uu Farmaajo halkaasi ku tagayo, balse, waxaa la sheegayaa inay tahay dar-dar gelinta howlgaladda ka dhanka Al-Shabaab, iyo waliba sidii uu kulamo ula yeelan lahaa masuuliyiinta degmadda.
Waa markii labaad oo uu Farmaajo booqdo Afgooye, isagoo safarkliisii ugu horeeyay ku tagey bishii May ee sanadkii hore 2017, markaasoo kulamo kala duwan kula soo yeeshay madax kala gedisan.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com




READ MORE FROM THE SOURCE: Xubno Shabaab ah oo lagu qabtay Afgooye kahor booqashada Farmaajo

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.