Xukuumadda Puntland oo wada mooshin xasaanada looga qaadayo Dhoobo Daareed

0
181

Garoowe (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya Garoowe ayaa sheegaya in magaaladaasi uu ka socdo mooshin ka dhan ah guddoomiyihii hore ee baarlamaanka Puntland, Cabdixakiin Dhoobo Daareed, kaas oo ay wax ka wado xukuumadda Siciid Deni.
Mooshinkaan ayaa la doonayaa in xubinimada golaha wakiilada looga saaro Dhoobo Daareed, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen ilo wareedyo lagu kalsoon yahay.
Wararka ayaa sheegaya in mooshinka oo ay gadaal ka riixeyso xukuumadda ay saxiixeen tiro xildhibaano ah, kuwaas oo raba in xisaanada laga qaado mudanahaasi.
Madaxtooyada Puntland ayaa sidoo kale wada abaabulkii ugu dambeeyey, waxaana la sheegay inay diyaarsatay koox xildhibaano ah oo ay ku qancisay mooshinkaasi.
Sababta ugu weyn ee mooshinka ayaa la sheegay inay tahay mid looga hortagayo qorshe uu ku doonayo inuu ku dhiso maamul cusub oo ka madax banaan Puntland.
Xildhibaan Cabdixakiin Dhoobo Daareed oo xil ka guddoomiyenimo laga qaaday todobadii bishii hore ee November ayaa tan iyo markaasi ka maqnaa kulamada baarlamaanka iyo guud ahaan magaalada Garoowe ee Caasimada dowlad goboleedka Puntland.
Sidoo kale wuxuu haatan ku sugan yahay magaalada Addis Ababa ee Caasimada dalka Itoobiya, halkaas oo uu ka wado dhaq dhaqaaq siyaasadeed.
Lama oga halka uu furan doono mooshinkaan cusub iyo dagaalka siyaasadeed ee u dhexeeya Madaxweyne Deni iyo guddoomiyihii hore ee baarlamaanka maamulkaasi.
Dhoobo Daareed ayaa heysta taageerada shacab badan oo ku dhaqan gobollada Sool iyo Sanaag ee waqooyiga dalka Soomaaliya, kuwaas oo si diiran ugu soo dhoweeyey gobolladaasi, kadib markii uu isaga tagay magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal.




SOURCE: Xukuumadda Puntland oo wada mooshin xasaanada looga qaadayo Dhoobo Daareed

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.