Xulka qaranka France ayaa iska xaadiriyay Finalka Koobka adduunka Russia 2018 kadib markii ay ka badiyeen Xulka Belguim kaas oo ay uga adkaadeen 1/0 qaybtii dambe ee ciyaarta dhashay.
Gool madax ah oo uu daqiiqadii 51-aad dhaliyay xiddiga daafaca uga ciyaara kooxda Barcelona iyo xulka qaranka France ee Samuel Umtiti ayaa xulka France ka caawiyay in ay gaaraan guul qiimo leh.
Xulka France ayaa haatan Finalka ku sugi doona xulalka Croatia iyo England midkooda soo baxa kaas oo ay la ciyaari doonaan kulanka kama dambaysta ah.
Kadib Finalkaas xulka France ayaa taariikh ka dhigay koobka adduunka iyaga oo noqday xulka ugu gaarista badan Finalka tartanka koobka adduunka.
Tan ilaa markii ugu horaysay ee ay Finalka koobka adduunka gaareen sanadkii 1998 xulka France ayaa gaaray 3 Final oo koob adduun ah waana wadanka ugu badan ee sidaas sameeyay.
READ MORE FROM THE SOURCE: Yaa ka caawiyay guusha France ay ku gaareen Finalka Koobka Aduunka.