Yaa ka dambeeyay Mashaqadii ku dhacday Argentina?

0
159

Ma noqon doono koob aduun oo indho badan lugu hayn doono, maadaama ay ka baxeen daaqadaha daloola, Lionel Messi iyo weliba C.ronaldo, labadaan nin ayaa xulalkoodii biyo bilaa shaambo ah loogu qubeeyey.
Xulka Africa aan ka tirsanayn, laakiin ay u safanayaan dheemanadii Africa mugdiga ka saari lahaa ee France ayaa cashar bilaa sabuurad ah u qoray Argentina, kuwaas oo lugu xamanayey inay koobkaan qaadi doonaan, Mbappe yare ayaana Mugdiga ku gumaaday, labo gool oo afar daqiiqo ah ayuuna Diyaaradoodii Buenos Aires bilaa Tikid ugu jaray.
Gaashaan-le sare Luis Suarez iyo labo xiddigle Edinson Cavani ayaan labo cantuugo u kala qabysaday Ronaldo iyo xertiisii ee Portugal, Cavani ayaa labo gool oo Paris laga soo qorsheeyey ku kala ququbay Portugal iyo boorarkoodii, taasina waxa ay la micno tahay in Messi iyo Ronaldo shaashadaha ka daawan doonaan.
* Ugu Dambayn Ukumo Cusub Ayaa Dhashay.

Waxaa markii ugu horaysay xafladaha lugu bixiyo Laacibtinimada Aduunka lugu arki doonaa ukumo cusub oo kubadda cagta ah, Mbappe, Griezmann, Suarez, Hazard iyo Harry Kane ayaana bac-baclayaal ka noqon doonaa.
Messi Iyo Ronaldo fashil ayaa ka raacay qalacadda maafiyada ku badan yihiin ee Ruushka-ka, Ronaldo shabaqa afar mar ayuu soo siyaartay,laakiin ninka ruushka raaxo u yimid Messi ayuu ahaa kaas oo daawade ka ahaa ciyaaro badan, qaladka ma dhanka Tababaraha Argentina baa? ma garan karno anigu? maxay kula tahay adigu?
*Mbappe Waa Muraayad Muluq Ah Oo Laga Cuudi-bilaysto.
 
Haddii aad tiraahdo waxaaan celin doonaa Mbappe, waxaad u baahan doontaa, buumayaal badan oo aad ku bad-baado, orodkiisa, cago wareejintiisa Jinniga ah, Xawaarihiisa xaalufka ah, gool-dhalintiisa cajiibka ah, ayaa ku cadaynaysa in dhiciskaan uu yahay mucjiso la isku soo diray.
Siduu Argentina ugu diray gurigooda ayaana cadayn buuxda kuu ah inaysan shaki ku jirin inuu noqon doono laacibka aduunka sanadaha soo socda.
*Cavani Wuu Kabeeyey Rajadii Riyada ee Ronaldo:
Cavani ayaa sabab buuxda u noqday in riyaddii koobka aduunka ee Cristiano Ronaldo iyo xulka qarankiisa Portugal ay si xun u soo dhamaatay iyada oo Ronaldo uu qaatay habeen ay tahay in uu iska ilaawo, Labadii xiddig ee aduunka ugu fiicnaa ee Ronaldo iyo Messi ayaa saacado gudahood koobka aduunka looga reebay.
Ugu dambayn France iyo Uruguey oo soo kala cunay xulalkii Messi iyo Ronaldo ayaa wareega sideed dhamaadka koobka qoorta isla geli doona, midkoodna ayaa xaqiiq wareega afar dhamaadka udhaadhici doona, Mbappe mise Suarez? adiga ayaana jawaabtaas kaaga dhuuntay.




READ MORE FROM THE SOURCE: Yaa ka dambeeyay Mashaqadii ku dhacday Argentina?

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.