YAA KAMID AH MUSHARIXIINTA UGU CAD CAD QABASHADA XILKA MACALINIMO EE KOOXDA ARSENAL.

0
212

Waa maalinta ugu dambaysa ee uu Arsen Wenger Hogaaminayo kooxda Arsenal balse wali waxaan xal waara laga gaarin wadahadalada kooxda ay kula jirto mid kamid ah macalimiinta u sharaxan qabashada xilka Tababarenimo ee Arsenal.

Waxaa muuqata in haatan uu ugu cad cad yahay qabashada xilkaasi Tababaraha dhawaan ka tagay kooxda PSG Unai Emery kaa oo aysan dad badan horay u filayn in uu kamid noqon karo dadka ugu cad cad ee kasoo soo muuqan kara Tartanka xil qabashada Gunners.

Balse waxaa lasoo warinayaa in Tababarahaan uu sheegtay aduun lacageed oo gaaraya ilaa 8.5 milyan oo yuuro sanadkiiba si uu shaqada si rasmi ah ula wareego.

Taa oo durbadiiba ay soo baxayso in maaamulka kooxda  ay ka gil gilanayaan oo aysan doonayn in ay lacag intaa la eg bixiyaan.

Caadiyan kooxdan inta la ogsoon yahay  kamid  maaha kooxaha England ka dhisin ee dhaqaalaha aadka u badan siiya macalimiinta iyo ciyaartooyda waxayna taasi keentay in heerkii loo baahnaa si wayn uga hoos marto.

Unai Emery waa macalin khibad yahan ah dadka qaar ayaa qaba in uu u qalmo in howshan loo idmado qaar kalena waxay sheegeen in uusan marnaba ku habooneen in uu noqda macalinka cusub ee kooxda Arsenal.

Si dib loogu soo celiyo Arsenal-shii la yiqiinay waxaa haboon in kooxda loo dhiibo macalin u qalma waxaa sidaasi qaaba jamaahiirta kooxda oo aad u xuurtaysan doonayana in fursadan dahabiga ah ka faa’idaysigeeda maamulka si gaar ah uga fiirsadaaan.

 

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.