YAAB! Ciyaartoy Dhintay Oo Lagu Soo Daray Liiska Ciyaartii Arsenal iyo Cardiff City Ee Xalay

0
59

Ciyaartii xalay ay Arsenal ku martigelisay Cardiff City, waxa liiska ciyaaryahannadii loo gudbiyey maamulka Premier League ee ka hor ciyaarta ku jiray ciyaartoy dhintay oo muddo toddobaad ka badan baadi-goobkiisa lagu jiray, hase yeeshee xilli dambe quus laga muujiyey.
Cardiff City ayaa liiska ciyaartoygeeda kusoo darsatay Emiliano Sala oo ay kasoo iibsatay Nantes hase yeeshee diyaaraddii uu kasoo raacay waddanka Faransiiska ee ku wadday Ingiriisku ay kula dhacay jasiiradaha labada dal u dhexeeya, illaa haddana aan la haynin raq iyo ruux.
Magaciisa ayaa taageereyaashii garoonka fadhiyey ay siteen, waxaana liiska kooxda oo lasoo bandhigay lagu dhex arkay magaca Emiliano Sala oo ka mid ahaa liiska ciyaartoygii Cardiff City.
Kooxdana ka dhisan magaalada Cardiff ayaa samaysay barnaamij baroor-diiq ah, waxaana taas la qaybsaday jamaahiirta Arsenal iyo kooxdaba.
“Waxaanu kugu soo dhoweyn lahayn hoygayaga, laakiin waxaanu sii wadaynaa rajada iyo inaanu u ducayno kuwa ku jecel” Sidaas waxa baahisay Arsenal oo qayb ka ahayd baroor-diiqdii xalay.
Si kastaba ha ahaatee, waxa layaab ahayd in magaca Sala uu ku jiro liiska ciyaartoyga Cardiff City ee la gudbiyey ka hor ciyaarta sida ka muuqata halkan hoose.

🌷 Emiliano Sala#ARSCAR pic.twitter.com/xEqNksyTMz
— Arsenal FC Español (@OfficialAFC_ES) January 29, 2019
https://platform.twitter.com/widgets.js
 
The post YAAB! Ciyaartoy Dhintay Oo Lagu Soo Daray Liiska Ciyaartii Arsenal iyo Cardiff City Ee Xalay appeared first on Latest football news.




SOURCE: YAAB! Ciyaartoy Dhintay Oo Lagu Soo Daray Liiska Ciyaartii Arsenal iyo Cardiff City Ee Xalay

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.