Yuusuf Daba-geed: Hirshabelle Iyo Galmudug Hasoo Kala Dhexgalaan Beelaha Isku Haya Hiiraan

0
293

Guddoomiyahii hore ee gobolka Hiiraan, Yuusuf Axmed Hagar Daba-geed ayaa ugu baaqay beello isku haya deegaanno dhaca xadka ay wadaagaan gobollada Hiiraan iyo Galgaduud.
Waxa uu sheegay Daba-geed in muhiim ay tahay ka shaqeynta nabadda iyo sidoo kale in looo istaago sidii aanu mar kale dhiig shacab Soomaaliyeed ku daadan lahayn.
Sidoo kale, Yuusuf ayaa sheegay in maamullada Galmudug iyo Hirshabelle looga baahan yahay iney kaalin mug leh ka qaataan sidii ay ku demin lahaayeen colaadda Labada dhinac ka dhex taagan.
“Galmudug iyo Hirshabelle mas’uuliyad aad u weyn ayaa ka saaran sidii ay ku demin lahaayeen colaadda ka dhex taagan beelahan walaalaha ah oo mar walbo laga baqayo iney dhiig iska daadiyaan, waa in dib loogu laabtaa wadahadalladii hore si xaaladda loo qaboojiyo” ayuu yiri Daba-geed.
Ugu dambeyn, Yuusuf Daba-geed ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan waxgaradka in ay u istaagaan daminta colaaddan.
Beello wada deggan deegaanka Banyaaley oo ku dhow halka ay isaga dhacaan Hiiraan iyo Galgaduud ayaa maalmahan dambe lasoo sheegayaa iney dib usoo cusbooneysiiyeen colaad ka dhaxeysay.
Goobjoog News




READ MORE FROM THE SOURCE: Yuusuf Daba-geed: Hirshabelle Iyo Galmudug Hasoo Kala Dhexgalaan Beelaha Isku Haya Hiiraan

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.