Yuusuf Dabaged oo aqbalay inuu wareejiyo guddoomiyaha gobolka Hiiraan

0
49

jowhar Somali News Leader
Guddoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan  Yuusuf Axmed Hagar Dabageed ayaa aqbalay inuu xilka ku wareejiyo guddoomiyaha cusub ee maamulka gobolka Hiiraan Cali Muxumad Carraale.
Kulamo waqti dheer qaatay kadib ayuu Yusuf Dabageed ugu dambeyntii aqbalay in uu xilka wareejiyo muddo bil ah kadib markii xil ka qaadis lagu sameeyay.
Muran ka dhashay xilka qaadista Yuusuf Dabageed ayaa  sababay in uu ku dhinto gacan ka hadal ka dhacay duleedka magaalada Beledweyne taliyihii ciidamada gobolka Hiiraan.
Hase yeeshee mudadii uu diidanaa inuu wareejiyo xilka guddoomiyanimada gobolka Hiiiraan Yuusuf Dabaged ayaa waxaa ku sugnaa magaalada Beledweyne Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare.
The post Yuusuf Dabaged oo aqbalay inuu wareejiyo guddoomiyaha gobolka Hiiraan appeared first on Jowhar.




SOURCE: Yuusuf Dabaged oo aqbalay inuu wareejiyo guddoomiyaha gobolka Hiiraan

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.