Yuusuf Garaad: Somalia ha isku diyaariso saameynta cayrinta Nicholas Haysom, oo aan soo daahi doonin

0
293

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee arrimaha dibedda Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar ayaa bartiisa facebook soo dhigay qoraal uu uga hadlayo cayrinya dowladda Soomaaliya ee ergeygii QM Nicholas Haysom.Yuusuf Garaad ayaa shaaca ka qaaday in arrintan ay yeelan karto saameyn aan soo daahi doonin, oo ay tahay in Soomaaliya ay u diyaar garowdo.“Xoghayaha Guud ee Qarammada Midoobay, António Guterres, go’aanka uu ka qaatay dalabkii Soomaaliya waa mid la dhihi karo wuxuu Dowladda Soomaaliya u yeelay sida ay dalbatay oo ah in laga beddelo Ergeygiisa Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee QM, inkasta oo aan la cayimin goorta. Ma ahan Dowladdu in ay is mahadiso” ayuu yiri Yuusuf Garaad.Waxa uu intaas ku daray “Saameynta uu arrinkani yeelan karo ama aan is leeyahay wuu yeelan doonaa, aan filayana in aanay soo daahi doonin ayaa u baahan in loo diyaar garoobo lana maareeyo”Guterres ayaa shalay ku dhawaaqy inuu ergey cusub usoo magacaabayo Soomaaliya, inkasta oo uu sheegay in xeerka persona non grata ee diblomaasiyadda uusan qaban shaqaalaha QM.Waxa uu yiri “waxaa iga go’an xaqiijinta baahiyada dadka Soomaalida, oo ah shaqada hormuudka u ah xafiiska QM ee Soomaaliya. UNSOM waxay u baahan tahay inay sii waddo shaqadeeda taageeridda Soomaalida”“Sidaas darteed waxaan soo magacaabayaa wakiilka cusub oo madax ka noqon doona xafiiska QM ee Soomaaliya ee UNSOM, sida ugu dhaqsiyaha badan”Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com




SOURCE: Yuusuf Garaad: Somalia ha isku diyaariso saameynta cayrinta Nicholas Haysom, oo aan soo daahi doonin

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.