ZIDANE OO WAR KASOO SAARAY SAFASHADA RONALDO EE KULANKA VILLARREAL.

0
157

Tababaraha kooxda Real Madrid  Zinedine Zidane ayaa ugu dambayn waxaa uu soo saaray hadal si wayn uu ugu laab qaboojiyay Taageereyaasha Kooxdiisa kaa oo ku aadan waxa uu ku yeeli doono safashada Cristiano Ronaldo ee kulanka ugu dambeeya Horyaalka Laliga oo ay wajihi doonaan Naadiga Villarreal.

Macalinkan ayaa waxaa uu si faah faahsan uga warbixiyay xaalada dhabta ah ee uu ku jiro xidiga Ronaldo oo warar badan laysla dhex marayay.

“Xidiga Ronaldo waa Diyaar 120%  waxaana uu si caadi ah uga qayb qaataa Tababarada Kooxda isagoo u diyaarsan in uu ciyaaro kulanka ugu dambeeya horyaalka ee aan  wajahayno Villarreal.

Cristiano Ronaldo ayaa garoomada ka maqnaa in mudo ah kadib markii kuraanta uu ka dhaawacmay kulankii aadka u xiisaha badanaa ee El Calasico ee biloowgii bishaan qabsoomay.

Hadalkaan kasoo yeeray kooxda Real ayaa waxaa uu yahay mid aad u farxad geliyay Jamaahiirta naadigaasi oo aad uga wal walsanaa Xidigooda qaaliga ah  garoomada in uu ka maqnaado.

 

 

 

 

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.