Markab dhuxul ka qaaday Soomaaliya oo gaaray Ciraaq (Dowladda Soomaaliya oo dacwad ka gudbisay)

0
4775

Safiirka Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobey Abuukar Daahir Cusmaan (Abuukar Baalle) ayaa sheegay in Markab dhuxul ka qaaday Soomaaliya uu ku xirtay Dekedda Umm Qasri ee dalka Ciraaq.
Wareysi uu siiyay laanta afka Soomaaliga ee VOA ayuu ku sheegay in markabkan uu siday illaa 200,000 jawaan dhuxul ah, isagoo ka codsaday dowladda Ciraaq in arrintan ay baarto, isla markaana hubiso markabkan shixnada Dhuxusha siday ee ku xirtay dalkeeda.
Abuukar Baalle ayaa sheegay inay sii ogaayeen intii Markabkan wadada ku sii jiray, isla markaana ay ka gudbiyeen dacwad Hey’adaha ay quseyso, gaar ahaan Guddiga cunaqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya.
Markabkan ayaa la sheegay inuu dhuxusha ka qaaday Dekeda Kismaayo, inkastoo uu ka gaabsaday Danjire Abuukar Baalle oo sheegay inay ka war-dhowrayaan baaritaanka socda sida uu hadalka u dhigay
Waxaa uu sheegay in Dhuxusha sharci darada ay xayiraad ka soo saartay Golaha Ammaanka Qaramada Midoobey, iyadoo loo arkay inuu xaalufinayo dhirta deegaanka, isla markaana ay dhaqaale ka helaan Kooxda Al-Shabaab.
Danjire Abuukar Baalle ayaa sheegay in dhuxusha ay dhoofiyaan Ganacsato aan dadka u naxeyn, isla markaana Al-Shabaab ka hesho dhaqaale aad u fara badan, taasoo uu xusay dhoofinta dhuxusha sharci darada ka mid tahay ilaha ay Argagixisada ka hesho dhaqaalaha.
Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa horay u soo saaray qaraar mamnuucaya dhoofinta dhuxusha Soomaaliya, waxaana dhuxusha ay sheegtay inay dhaqaale ka helaan Al-Shabaab oo xiriir la leh Al-Qaacida.
The post Markab dhuxul ka qaaday Soomaaliya oo gaaray Ciraaq (Dowladda Soomaaliya oo dacwad ka gudbisay) appeared first on Jowhar Somali News Leader.




SOURCE: Markab dhuxul ka qaaday Soomaaliya oo gaaray Ciraaq (Dowladda Soomaaliya oo dacwad ka gudbisay)

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.