Ka hor Dastuurka afraad ee Jamhuuriyadda ee sida KMG loo ansixiyey 2012, taariikh dowladeedka Soomaaliya waxay lahayd nidaamka cadaaladda midaysan “Unitary Justice Model” marxaladdii rayidka & Milatariga labadaba.

Nidaamka Cadaaladda midaysan waxuu ahaa mid si cad loogu qeexay Q.95-aad ee Dastuurkii 1960-kii, Qodobbada 1- 6-aad ee Xeerka Nidamka Garsorka ee 1962, Qodobbada 6-13 Xeerka Nidaamka Garsorka 1974, Qodobbada 7-21 ee Xeerka Habka Madaniga ah ee 1974 iyo dhamaan shuruucda raad-raaca la leh ee labadaas marxalo.

Dastuurka KMG ee Faderalka ee 2012 la ansixiyey ayaa soo kordhiyey nidaam Garsoor oo ka duwan kii Soomaali taqaanay “Q.108-109- DKM-JFS” si lamid ah labada Gole ee sharci-dajinta, wallow aysan ahayn arimo faderalka ku xiran oo ay jiran dowlado faderal ah oo leh nidam midaysan & hal gole sharci-dajin.

Si looga doodo nidaamka Dastuurka tibaaxay ee loo yaqaano ” Dual Justice model ” ama hannaanka cadaaladeed ee is bar-bar socda iyo midka ku haboon Soomaaliya saddex nidaam cadaaladeed oo dunida taqaano, waxaa la galiyey doodo ay hoggaaminaysay Wasaaradda Cadaladda, waxayna doodaas bilaabatay 1-dii abriil 2013 waxayna 2016 Decemper ku gabagabowday doodii farsamada in Hannaanka isku dhafan ” Mixed sytem” uu ku haboonyahay Soomaaliya.

Dooda oo muddo ka dhex-socotay sharci-yaqaanada waxay u wareegtay arin la hordhigo Golaha Amniga Qaranka ” National Security Council” waxuuna Golaha amniga 3/12/2017 si hordhac ah isku racay in hannaanka isku dhafan ” Mixed justice model” oo micnihisa yahay in Hal Maxkamad sare uu dalka yeesho, DXDF ay u sarreyso M. rafcaan, halka la kordhinayo awoodeeda dhanka mowduuciga ah, una saamaxayso kiisk faderal ah in ay gasho.

Golaha amniga ayaa faray Wasaaradda Cadaaladda in hannankaas la ansixiyey oo faah-faahsan golaha la korkeeno kulankiisa bilowga bisha Febraayo 2018.

8-9 Decemper 2017 iyo 14 Decemper mar kale waxaa is hardiyey guddiyada farsamada ee DXDF iyo wasaaradda cadaaladda Faderalka ee loo direy shaqada waxaana Hotel SYL ka dhacay doodo aad u culus.

Qaar kamid ah Madaxda DXDF ayaa badalay aragtidooda, waxaana doodii farsamo kusoo biirey Wasiirada Cadaladda ee labada heer waxaana lagu heshiiyey in Magalada Jowhar lagu qabto shirwaynaha Cadaaladda, waxaana la dhisay koox howl-eed ka kooban 17 Xubnood oo shaqada farsamada sii wado.

23-24 janaayo 2018 Magaalada madaxda Jowhar waxaa kasoo baxay wax ka duwan waxii madasha Amniga Qaranka ay sugaysay ee ahaa in lasoo faah-faahiyo Hannaanka isku dhafan, waxaana soo baxay mar kale Hannanka isbar-bar socdo ee Dastuurka horey ugu qornaa, arimaha Asluubta, Qareenada & shuruucda, Golaha sare ee Garsoorka, Nootooyinka oo iyagana loo nidaamiyey si is bar-bar socdo.

Sababta Jowhar loogu heshiin waayey waxay ahayd labo arin; qaar kamid ah Madaxda DXDF oo aragtidii badashay & dhacdadii C/raxman Cabdishakur & Kala-darista Maxkamadda ee Maamulkii Gal-mudug ee is haystay oo cabsi ku abuurtay DXDF.

Xukuumaddii uu hoggaaminaayey PM Khayre ayaa diidey heshiiskii Jowhar, waxna ka badadhay, waxuuna Golaha wasiirada ansixiyey Hannaanka isku dhafan ee caawa mar kale la ansixiyey marka laga reebo Putland.

Marka laga soo tago Putland, waxaan go’aan laga gaarin marna Garsoorka Gobalka Benaadir oo lagu xirey sida uu noqonayo maqaamka Caasimadda, wallow Golaha Maamulka Garsoorka xubin loogu daray & Soomaali land oo heshiis siyaasadeed u maqan.

Hannaanka isku dhafan ee la ansixiyey.

Hannaanka Cusub waa mid is waafajinayo Hannaankii Jowhar & kii xukuumaddii Khayre, mana aha mid isku dhaf barax-tiran ah, sababtoo Maxkamad sare ayaa DXDF loo daayey laakiin waa mid isku dheeli-tiran oo Faderalka uu awood ku leeyahay DXDF maadama Golaha Sare ee Garsoorka ay saamayn ku leeyihiin magacabista, dalacsiinta, shaqo ka joojinta imw iyo rafcaanada Maxkamada sare ee Faderalka imaanayo, halka DXDF ay saamayn ku leeyihiin Faderalka, qaadayaana kiiska Faderalka, qaybna ka yihiin Maamulka Garsoorka, waana habka ugu macquulsan ee nidaamka Garsoorka uu qaadan karo. Waxaana laga hadlin arimaha dhaqaalaha oo loo xawilay qaybaha maaliyadda.

Maadaama wax-kabadalka Dastuurka in uu galo la rabo hannaanka cadaaladda walina aan la isku raacin si loo dhanyahay 2013- 2022 waxay sii ahaanaysaa arin caqabad sii ah oo Sharci-dajinta u gudubta, waxayna caqabad kusii ahaan doontaa dhismaha Garsoor Dalka ka wada hergalo & Shuruucda nidaamiso intaba oo la rabo in aan indho-siyaasadeed lagu fiirin.

Arinta awood qaybsiga waxaa la qaatay saddex halbeeg oo caalami ah midka ugu caqabada badan, waana xaddidaada dhamaan awoodaha dhinacyada, waxaana habkaan laga tix-raacay habkii Cahdiga Faderalka 2004-tii oo u sameeyey labo lifaaq awooda ah, 11 Dowladda Faderalka gaar u ah iyo 20 DXDF gaar u ah, waxayna caqabad ka jirtaa awoodaha haraadiga ah ” Residual powers” oo aan go’aan sax ah laga gaarin.

10 sano oo go’aan laga gaari la’yahay Hannaan Cadaaladeed oo loo dhanyahay.

W/Q : Cali Somali (Garyaqaan / Aqoonyahan)

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.