Saxariirintii Sabaad

0
186

“Qabta, marada xagga hoose ka soo mari. Aayar,…. Aaa,.. Yarta duraaxadda u dhig.” Ayay Qaali ku tidhi islaantii ka ummulinaysay oo sacabbada labeenta kaga duwaysa ilmaha yar ee dhashay. Kolkaas ayay iyadoo neeftuuraysa oo laabta gacanta ku haysa furaashkay ku foolatay isku nabtay oo dhabar-dhabar u jiifsatay. Kolkii ay ummushay, iyada oo aan eegin wiil iyo gabadh waxa uu yahay ayay dhunkasho kulul salaanta ka saartay. Ilmo diirran baa ka soo dhacday il gorof ah oo aan afar caanamaal baalka isgelin. Markaasay dib u dhacday daal awgii. Cod qawqawle oo gurxamaya ayaa dhanka albaabka ka soo dhacay. Waa Salaad oo ordaya, farxadduna ay ka badatay. Isagoo dhidid iyo boodh isku dhegay oo madow dhafoorka kaga yaallo, oo siifadi ka soo urayso ayuu inta uu qolkii ay Qaali jiiftay soo galay uu ilmihii yaraa kor ula booday.

“Alla..! War Salaad bal inanta aayar oo bal garab ha gelin.” Ayay ummulisadii Salaad ku tidhi. Mar keliya ayaa wejigiisi isbeddelay. Waa ka intuu qaboobay oo naxay yidhi, “Yaa! Naa maxaad tidhi? Inanta aa…?!

Inta uu madaxa kor u taagay ayuu haddana indho kulul oo cabsi leh ku eegay inantii yarayd ee haddeer dhalatay oo labadiisa gacmood ee gariiraya ee dhididka leh dhexdooda ku jirta. Inta uu degdeg u dhigay oo istaagay buu isaga oo cadho ibliis wejiga ka saaran tahay islaantii ummulisada ahayd dhankeeda u dhaqaaqay. “Naa maxaad tidhi? Ma gabadh bay foolatay?” Ummulisadii oo dareentay in uu Salaad durba isbeddelay oo farxaddii uu qolka la soo galay iyo raynrayntii wejiga ka saarnayd ay gibil madow iyo cadho isu beddeshay, ayaa iyadoo qoorta dadbaysa ugu warcelisay, “Haa. Salaadow, waa gabadh.” Salaad oo indhaha galka ka soo saaraya oo cadho jiq la ah baa bakooraddii uu watay jifideeda dhulka xoog ugu dhuftay, dabadeedna isagoo jidhkiisu cadho awgii kurbanayo ayuu albaabkii mutullaha xoog horey ugu tuuray, oo golihi looga soo sheegay in ilmo u dhashay ku laabtay, isaga oo wejigu madow yahay oo dhiillaysan, sidii in qof ka dhintay.

Bakooraddii uu markii hore sida quruxda badan u lalminayay ee uu marba jifida dhulka sida quruxda badan u dhigayay ayaa waxa uu makhaayaddii dhankaa kala soo galay isagoo jiidaya oo welwel ka muuqdo. Kursi caag ah intuu qaatay ayaa uu meel cidlo ah ku fadhiistay, si aysan cidina waxba u waydiin oo aysan ceebtaa u ogaan. Waxay la ahayd in ay fadeexadi soo wajahday oo ay belaayo gurigiisa soo gashay. Aad buu u naxay markii koowaad ee uu maqlay islaantii ummulisada ahayd oo leh, “War inanta… inanta…” Malihiisii uu laboodka filanayay ee uga dhignaa hubaasha ayaa beenoobay, waxayna ku noqotay qaadanwaa’ ku dhaliyay islahadal uu ku canaanayo xaaskiisii uurka sididdiisa ku soo rafaadday, Eebbena uu u dooray in ay dhasho gabadh. Wuxuu aad isu weydiinayay oo maskaxdiisa ku soo noqnoqonayay, “Maxay wiil u dhali weyday.” In kasta oo uu Qaali aad u jecel yahay, haddana maanta dareenkiisu sidiii hore ma aha. Qaali uma muuqato ee ilmaha ay umushay saaka ayuu la walbahaarsanaa.

Maalmahan oo dhan waxa uu isu cimaamadayey oo uu golayahaasha shaadaliga iyo kaftanka ka cilaamayey waa ilmahaa ay Qaali uurka ugu siddo. Keligi kuma aha qaab fekerkan balse waa dhaqan guun ah oo abkasoogaar ah, degaankana ku xididdaystay. Waa dhaqan ay Soomaalidu kala sinnayd jaahiliintii Carbeed. Mooji halka ay ummaddani ka soo xambaaratay dhaqankan baas. Waxa uu xusuustaa habeenkii ay walaashii Caasha dhalatay sidii uu aabbihii wejigu u madoobaaday oo uu u cadhooday. Inuu dilo oo xabaal-nololiyo ayuu ku sigtay. Walaashii Caasha waa qofka keliya ee uu ku tiirsan yahay noloshan tuulada ee dhibka badan. Biilka reerka iyada ayaa u soo dirta. Markii horena iyadaa reerka u dhistay. Waa Caashadii habeenkay dhalatay aabbaheed uu damcay inuu nolosha degdeg u dhaafiyo. Habeenkaa ay dhalatay aabbaheed in uu ku farxo iska daaye, waxay la ahayd in cunugta yar ee dhalatay ay tahay nacalad iyo caro Eebbe oo ku soo degtay. Faqri iyo ceeb uu ka baqayo awgeed ayuu shaydaanku ugu sheekeeyay in uu si uun uga takhalluso.

Maanta gole rag fadhiyo ma uu fadhiisan karo, waxa uu ka baqayaa waydiinta ah ‘war Salaad maxay islaantii kuu dhashay?’, oo sida uu ugu warcelin doono ayuu aad uga sii welwelayaa.

***

Waata kortay ee qurux la soo kacday. Sabaad dhiifoonaan iyo qurux laxaad leh oo dhammays ah bay la soo barbaartay aynigeedana waxay u ahayd hormuud— qof dedaal badan oo hawlkar ah laguna hadalqabsado ayay ahayd. Sabaad waxaa loogu magacdaray gabadh habaryarteed ahayd oo hooyadeed la dhalatay. Ayeeydeed hooyo oo inanteedii yarayd ee quruxda badnayd ka samri la’ oo iyadoo indhaheedu shan yihiinna horteeda lagu dayriyay oo bahalka loo tuuray ayaa magacaa u bixisay, xusuus ay doonayso inay halkaa ka dugaasho wehelkii inanteedii yarayd ee aabbaheed malgay. Sidaa daraaddeed ayayna Sabaad ugu bixisay.
Salaad xilliga uu guriga yimaaddo ee inantiisii yarayd ee kortay uu indhaha saaro aad buu u farxi jiray, waxa keliya ee ka farxinayayna waxay ahayd in ay gabdhuhu odayada uga dhigan yihiin hanti soo xero gelisa xoolaha kan ay Soomaalidu ugu jeclaayeen amase baajisa in xoolahaasi ay xerada reerka ka baxaan oo taa beddelkeeda ayada la bixiyo. Inanta uu sidaa ugu farxayo waa tii uu maalinkii dhalasheeda welwelka iyo walbahaarka ka qaaday, ee uu goleyaasha iyada awgeed u fadhiisan waayay ee uu tegi waayay. Dhalinyarada ay isku ayniga yihiin oo dhan baa hanashadeeda ku tartama, goobaha xifaaladana waxay barbaartu ku sharadtami jireen “anaa guursanaya iyo anaa guursanaya”. Quruxda iyo qaayaha uu Rabbi ku mannaystay ayaa ka dhigtay qof sidaa loogu baratamo. Inkasta oo ay sidaa dhallinyaradu isugu maaweelinayso hanashada qalbigeeda saafiga ah, haddana waxaa jiray welwel ay mar walba maanka ku hayaan. Sida dhaqanka Soomaalidu uu yahayna inta badan gabadha waxa ay gadhcastu ugu deeqaan niman kale. Gabdho aad mooddid sidii xoolaha oo ciddii la doonayo la siiyo, cidii la doonana loo diido.

Salaad oo sidiisaba ahaa nin aan ku fiicnayn xaajada qoyska, wuxuu marmar ku taami jiray in uu Sabaad ka dhigto wadiiqo uu odayada xurmaysan ee tolka uga mid noqdo balse jaaniska ayaan ku simin. Kolkol  ayuu ku fekeri jiray in beesha mar uu xaalku ku adag yahay uu ku furto inantiisaa yar ee nolosha qadhaadh ee ayaamaha foolxumada iyo naxariisdaradu ay galbinayso jacaylka iyo farxadda ka raadinaysa. Waa ayaandarro ay la kulmaan gabdhuhu, Sabaadna aysan garan doonin in ay ka badbaadi doonto iyo in kale. Ragga degmada ku dhaqan, barbaar iyo odayaba, waxay qawlallada uga xumbaynayaan sidii ay Sabaad u heli lahaayeen, haddii jaanis ay kula hadli karaan ay arkaanna kama aysan gabban jirin. Kurayda yaryar ee madaxa la soo kacay qudhoodu ka sheekaynteeda ayayba ku madadaashaan. Maalin dhowayd, iyada oo jeexa tuulada qarkiisa ah xaabo ka soo guratay oo bannaanka jeexa dhanka tuulada ka xiga soo socota ayaa kuray yar oo maantoo dhan dushaa ka ilaashanayay soo garab galay.

Waa kuray yar oo madax weyn oo dhako ballaadhan leh, weji diirdiiran oo aad moodid in laga xagxagtay, ilko dheerdheerna leh. Markuu Sabaad la sinnaa ayuu bilaabay inuu daraafsado.

“Alla sowtan tii yaraydee ina Salaad ee Qurayshta ahayd maanta daallan ee diiftu ka muuqato… Waan ku saalamay Inaadeer.” Ayuu ku yidhi, isaga oo iska dhigaya inuu kaftamayo, dhan kalana ku diganaya daalka iyo dhibta ka muuqata. Waxba maysan odhane, hore bay socodkeedii isaga sii wadatay. Mar labaad ayuu haddana sidii hore u daraafsaday. Waa ta intay istaagtay oo huruuftay, oo sanka kaga budhbudhsiiyay, candhuufna hortiisa bash kaga siisay, “Akhas calayk cagta hoosteeda.” ugu warcelisay. Jacdii ay inanka ku dhejisay ayaa kululaysay, oo inta uu qosolkii joojiyay ayuu cay afka u saaray. Waa kibir lagu yaqaanno foodlayda soo kacaysa oo dhan, waxay u dhaqmaan sidii oo ay dunidaba ayagu ugu sarreeyaan oo wax walba ay cagtooda ka hooseeyaan. Barbaarta waxay la ahayd in waxeedu ay ka badbadis yihiin, waana tan keentay in ay ayada mar walba hadal hayaan. Waa mid ay maagtay oo ay ku cammiratay iyo mid ay u dallici weyday oo aysan juuqba u furin. Kurayda yaryar ee huurada waaweyn ee uskagga badan, ee makhaayadaha tuban, way iskala han sarraysaa oo la hadalkoodaba way ka khashaaftaa—iska daa inay haasaawe wadaagaane.

Waligeed iyo waaqeed toona iskuma aysan hawlin, haasaawaha dhalinyartaa ay isku filka yihiin, dan weyn oo lagala hadlaana uma aysan muuqan, nolol guurna waqtigeediiba ma aysan gaarin inkasta oo aysan moogayn in hablaha Soomaalidu ay keliya u nool yihiin in la guursado. Tiraba dhawr jeer baa waxa ay maqashay in dhalinta tuuladu ay kakanaan iyo ad-adayg faro badan hablaha kale ay kaga duwan tahay. Waaba meesha inanta dareenku ka galay, oo ay ka bilowday inay dhalintaa yaryar ee dhusdhusta badan hankeeda kor uga qaaddo. Bacaadka barkaddooda u dhow ee waddada dhinaca ka saaran bay sii laafyoonaysay shalay markii kuraygii yaraa ee Ina Goodir halkaa ka khaawisayay. Iyada oo kubka sidaa tamuuxda u sii xulinaysa oo naxariis ka dayaysa ciidda jilicsan ee dabacsan ayuu halkaa sare ka eegayay. Mar qudha ayay aragtay isagoo intuu qoorta hoos u soo dhigay, indhaha galka kaga soo bixiyay. Waa ta socodkii isku dardartay, yaxyax iyo cadho ay qofkaa indhaha fagiigsan u qaadday darteed. Kama uusan jeesan e, quruxda uu yaxyaxu socodkeeda ku sii kordhiyay ayuuba la sii cajabay. Waa kan keligii isla hadalaya oo leh, “Allah!.. Waa qurux iyo ninkii isla helee, ma xuurulcayntii jannadaa dunida la keenay!”

***

Waa madal cammiran oo ilyartu isqabatay. Gadhcas iyo gadhmadow rag nooc walba leh ayaa fadhiya. Madasha waxaa soo agaasimayay niman Reer Kadleeye ah oo ay kala jilib yihiin Salaad. Waxayna doonayaan oo dantoodu tahay in laga xaalmariyo arrin ay niman Reer Hurre ah ku sameeyeen caaqilka Reer Kadleeye ah. Maalin dhowayto ayaa niman Reer Hurre ahi waxa ay xaajo isku maandhaafeen niman kale oo Reer Kadleeya ah, ka dib markii ay Reer Hurre gacan barkaddoodu leedahay ay dusha ka mariyeen gacan kale oo nimankaa Reer Kadleeye ah barkaddooda gala. Muddo badan baa dhan walba garta loo dhigay oo sinaba la isula fahmi waayay. Waa niman hawl badan oo adyad iyo gardarro miidhan ah. Gacantay ka hadlaan. Maalin dhowayto waxa ay ku sigteen Caaqil Quulle oo Reer Kadleeye caaqil u ah inay xabbad salaanta kaga jiidaan. Nin gacanta laga falay, oo Ina Hurre ah ayaa xabbad ku riday caaqilka. Sidaa daraaddeed ayaa Reer Kadleeye xaajada geedka ula yimaaddeen, si ay reeruhu uga soo gar baxaan, oo ay u jidbixiyaan falkaa qaawan ee ay caaqilkii guud ee beesha kula kaceen. Waa fal ay qadhaadhahay sidii gartiisa degdeg loogu dhammayn lahaa.
Nin weyn oo da’ la soo gotay, oo wejigiisu duuduubmay, xirriibihiina ka yaaceen, ayaa xaajada u baxay oo hadalka qabsaday. Ragga madasha fadhiya badankoodu waxa ay wada wataan bakooradu iyo dhabi, mid walibana jifida ayuu dhulka ku gujinayaa, oo marba ku xarxarriiqayaa. “Marka hore madasha waan salaamay. Marka labaad, waxa aan doonayaa xaajadaa maanta nimankaa reer tolkeen ah ay inoola yimaaddeen aynu wax iska nidhaahno. Inaan ka jid baxno oo wax laysla garto ayaan soo dhowaynayaa. Waanna ka baxay hadalka.” Ayuu yidhi odaygii hadalka qabsaday isaga oo go’ shaal ah oo uu watay dhabta ku qabsanaya. Markaasaa madashii la is-eeg-eegay, oo nin walbaa isu diyaariyay bal xaajadaa la furayo sida looga soo dhalaali doono. Waa xaajo ajal galaafanaysa, oo aakhiro salkeed u diraysa. Waa madal baas oo laga yaabo in ay miskiin-seefle galaafato. Had iyo jeeraale madalaha noocan oo kale ahi waxay ku dhammaadaan haddiiba lagu heshiiyo go’aanno eex iyo dulmi ka buuxo oo ay dhici karto in duunyo badan iyo dad la kala qaato.

Koob shaah ah oo kulul ayaa intuu gacanta ku qabtay uu labo goor fuuqsaday, dabadeedna degdeg dhulka u dhigay markuu ku gubtay, makhaayada uu fadhiyaana waa cidla oo axad kale oo aan isaga iyo mudalabka ahayni ma fadhiyo. Bakeerigii shaaha ayuu marba caleentii ku hadhay shaaha yar ee ku jira ka fiiqsanayaa. Salaad wuuba baxay e jidhkii baa kursiga doqonnimo la yuurura. Ruuxdiisii yarayd ayaa madashii garta lagu hayay u biibtay.

Sidee ayuu u welwelaa? Miyaanay tii yarayd ee uu dhalay soo kicin, iyada oo gashaanti ahna aysan guriga u joogin? Waxaa u sawiran sidii ay sabaad ahayd kolkii uu saaka guriga ka soo baxayay. Waa Sabaad oo foodleey yar ah, naaso curdin ahna ay u soo bexeen, aqalka hortiisana ku shanlaysanaysa. Aad ayay u faraxsan tahay oo quruxdeeda ayay la dhacsan tahay. Subax walba shaqada guriga ay ka qabato waxaa u dheer tan ay jirkeeda ka qabato. Waxaa odayga u sii muuqata kolkii saaka intay hoos isu eegtay ay dhoollacadaynaysay oo ay qoorta dadabtay. Biyihii ay ku maydhatay ayaa timaheeda quruxda badan ee shaashka faraska oo kale ah dhalaal u sii kordhiyay. Kolkii uu albaabka guriga ka soo baxayay waxa uu ka fakarayay oo uu u shaxayay sidii uu u dhaafsan lahaa geel iyo gammaan.

Mar dhowayd isaga oo makhaayaddii kuraasta iyo koobka shaaha isku daawanaya, oo marna ilkaha foolxumada weyn ee findhicilku dilooday bishmo jilif leh ku qarinaya, ayaa nin gadh madow oo miyiga ka soo galay makhaayaddii soo fadhiistay, markaasuu koob shaaha dalbaday, isaga oo dalabka sii raacinaya, “Waar bal ii dhakhso madashii mar horaa la buuxiyay e. Wallaahi nimankaa Ilma Hurre waan ogaa waxay soo wadaan. Waa kuwaa maanta…een..  aar bal ii keen… shaaha.” Salaad oo xaajadu waxa ay daarran tahay ay mar hore wax kaga soo duuleen, laakiinse aan si qumman warkeeda u hayn ayaa dhegtu istaagtay oo haraaryooday sidii neef bacaad kulul fadhiya. Waa ka inta uu cimaamad rishwaan ah oo uu watay garabka u tuurtay ninkii reer baadiyaha ahaa dhinaciisa soo istaagay oo nabdaadiyay.

“War bal warran, Inaadeer.”

-“Waa nabade maxaad sheegtay adigu? War iyo wacaal.” Ayuu ninkii reer miyiga ahaa ugu war celiyay isaga oo afka ka durkinaya koobka shaaha ah ee uu cabbayo.

-“Gallad Ilaahay iyo barwaaqee,” Salaad oo cimaamaddii hagaajisanaya, oo gacantana wejiga ku salaaxaya ayaa cod qabow oo baqbaqaya ku yidhi. Haddana isaga oo khajilaya ayuu cod xishood leh sii raaciyay,

-“War niyow waxaan kaa warsaday hawshii shalay agaasinkeeda la wadwaday ma loo fadhiistay xaajadeedii.”

Ninkii reer miyaga ahaa oo markii horaba doonayay cid ay isku sii lug darsadaan ayaa dareemay in Salaad golaha ku socdo. Inta uu bakeerigii uumiga kulul ka soo boodayey dhulka dhigay, ayuu isaga oo sii kacaya yidhi,

-“War haa. Haa Inaadeer. Geedkii damalka ahaa ee togga dhexdiisa ku yaallay ayaa xaajadu ka dhacaysaa. Halkaa ayaanna haddeer u sii kacayaa.”

-“Haddaa aynu isku sii lug darsanno, aniga qudhaydu dhankeeda ayaan u socdaye.” Ayuu Salaad ku yidhi, isaga oo aad mooddid in nabar weyn oo laabta kaga dhegganaa ka fuqay.

Sidaasay isu raaceen, oo dhankaa iyo geedkii xaajada lagu gorfaynayay ugu jihaysteen. Waa barqo, qorraxduna ay cirka badhtankiisa u soo guurguuranayso, daruuro culculus oo caddaan iyo cawlaan isugu jiraana ay cirka isku dabooleen, fallaadho yaryar oo baxsad ahina ay marba daruuraha soo dhaafayaan. Salaad iyo ninkii reer miyiga ahaa ayaa geedkii soo gaadhay. Salaad docda odayaashii reerkoodu ay fadhiyeen ayuu u baydhay, safkana ka galay. Golayaal badan buu soo fadhiistay isaga oo reerkooda safka kula jira, laakiinse gole keliya oo uu ka soo muuqday ma jiro. Isagoo geedkii shirka hoostiisa fadhiya oo doonyaysan ayuu sacabbadiisa ku ciyaarsiinayey quruurux, kolkaas ayuu xusuustiisa dib u celiyey dhawr iyo toban sano ka hor.

Markii hore doob buu ahaa, meelahaa ka badhaaciya oo aan cidiba wax ka gurin. Balse beryihii dambe wuu isbeddelay. Xaalad kale oo dhan walba tii hore ka duwan ayuu galay. Walaashii Caasha oo dibadda jirta ayuu xadhigeedii helay, sidaasuu kula xidhiidhay, dabadeed waxa ay ku qalqaalisay inuu guursado oo uu reer yagleelo. Sidaa daraaddeed ayuu isbeddelka xoogga leh ee noloshiisa ku yimi uu u ciirsanayaa. Waxa uu isbiday inuu yahay oday dhaqameed. Nin xaajada qoyskooda iyo jeesaska kalaba geli kara. Hase yeeshee, waxba kama uusan guran. Xaajo keliya oo uu furay ma ay jirto. Xoolo badan uma joogaan, oo hanti kale oo isku tiiriyana ma uu haysto. Laakiin haddeer gashaanti timo tidcan baa guriga u joogta, ayada ayaana maal u ah. Golayaasha caynkaa ah, inta badan iyada oo rag badani ay gabdho ka bixiyeen ayuu Salaad soo fadhiyay, maalinkaa oo kalena aad buu isu canaan jirey. Haddase tii yarayd ee uu dhalay baa soo kacday, oo gashaanti xooggan noqotay. Haddii lagu xiro in uu maanta tolka furtana welwel kama uu qabo oo kollayba sharaf uusan hore u haysan ayuu tolka ku dhex yeelan doonaa.

Salaad isaga oo golihii iska dhex fadhiya, xaajadiina weli socoto, ayuu si uu isu muujiyo intuu xiix yidhi oo cimaamaddiisii kor u yara qaaday odayadii uu dhex fadhiyay ee kale marba mid si debacsan u eegay. Xaajadii meel culus bay gaadhay, oo nimankii Reer Kadleeye waxa ay soo istaageen, ha nalaga soo gar baxo, haddii kale wixii nala gudboonaada ayaan ku dhaqaaqaynaa. Waxa ay ku doodeen, oo ay  Reer Hurre uga fadhiyaan, inay xaal ka bixiyaan falkii dhaqan xumada ahaa, reerkoodana meelkadhaca ku ahaa ee ay nimankaa Reer Hurre Caaqilkoodu kula kaceen. Waa la is-eeg-eegay, oo nin baa hadalkii u baxay si uu indhahan isku daalay u kala kaxeeyo. Bakooradaha iyo ulahan golaha tuuranna ay u kala dareeraan.

“War waa gar hadalkaasi. Waan in nimanka laga soo gar baxaa. Haddaanu Reer Hurre nahay waxaa xaq naloogu leeyahay oo gartu nagu qabanaysaa in aannu xaalkaa iska soo bixinno sida ugu dhakhsaha badan. Waa gar runtii.” Ayuu ninkii hadalkii ku soo afmeeray, isaga oo go’iisii uu mawacista ku doonyeystay iska debcinaya.

Salaad ayaa markaan waa ku baryay, oo ay halkaa uga muuqatay fursad aan ku soo noqon doonin hadii uu baylihiyo. Waxaa maanta hor yaalla labo arrimood in uu mid doorto: in gabadhii uu geela ka sugayay uu halkaa maanta ku bixiyo, magac iyo maamuus aan duunyada ka dhicinna uu halkaa ka qaato; iyo in uusan juuq u dhihin oo xoolihiisa iska sugto, illeen maal xero kuugu jira sahal xadhigga loogama saaree.

Waxaana la gudboon in uu go’aan degdeg ah qaato, fekerka badanna uu soo afjaro. Waa ka horey u soo gurtay, oo dibnaha marba mid dhaqdhaqaajiyay oo haddana baqay oo dib u fadhiistay. Waa ka jaanis ka baadhay xaalkaa beeshooda qabtay ee maanta golaha loogu fadhiyo. Waa in uu isagu galaa oo xaalkaa bixiyaa. Inta uu cimaamaddiisii rishwaanta ahayd dhabta saartay buu isaga oo dhuunta candhuuf ku qoynaya yidhi, “Xaalkaa beeshayada qabtay anigaa gudaya. Anigaa gudaya.” Raggii beeshooda ahaa ee dhinacyada ka fadhiyay baa si yaab iyo amakaag ku jiro u eegay, oo haddana indhaha u qaybiyay golaha intiisii kale iyaga oo marna yaabban marna raynrayntu ay wejigooda ku muuqato. Salaad ayaa hadalkii sii watay, “Gabadh xaal ah baan bixiyay. Gabadhayda curadda ah baan bixiyay.”

Nin meel shishe fadhiyay baa soo kacay oo cimaamad dusha ka saaray. Raggii kalena iyaga oo madaxa hoos u raaricinaya oo laabta aad mooddid inay uga qoslayaan ayay sheeddaa ka soo eegayaan. Niman beeshii xaalka la siiyay ee Reer Kadleeye ah ayaa intay soo kaceen salaan diirran salaamay.

Salaad oo aad mooddid in farxaddii adduunku soo goobatay oo geedkii sidii u dhex taagan marba salaan yar oo kululna lagu soo dhaafayo, ayaa markii danbe iskaga soo tegay golihii oo aqalkiisii soo aaday. Sabaad oo hooyadeed Qaali ay timaha u dabayso ayaa hadh isku beegay albaabkii mutullaha ee iftiinku uga soo galayay. Waa Salaad oo wejigiisa farxad iyo raynrayn ka muuqato. Gudaha ayuu u soo gudbay, isaga oo aan cidna nabdaadin oo weli sidii dhoosha uga qoslaya. Sabaad ayaa kor u eegtay, mase waa aabbaheed. Intay qososhay ayay iyadoo hoos eegaysa la hadashay.

– “Aabbo, maanta waad raagtaye xagaad aadday?”

Isaga oo farxaddii wejigiisa ka sii idlaanayso ayuu intuu soo foorarsaday oo madaxa u salaaxay ku yidhi,

– “Aabbo shir reerkeennu leeyahay baan ku raagay.” Dabadeedna inta uu bannaanka mutulka uga baxay ayuu Qaali u yeedhay. Markaasay iyada oo saqaftii ay timaha ugu dabaysay Sabaad gacanta ku sidata soo baxday, shalmad yar oo khafiif ahina ay madaxa dhinac ka saaran tahay, dirac cad oo barbaro yar lehna sidata. inta uu gacantiisii garabka ka saaray ayuu ku yidhi,

– “Qaaliyeey, waxa aan doonayaa inaan kaala hadlo hawl ina khusaysa, oo weliba mustaqbalka inanteenna yar ee haddeer soo kacday ku saabsan. Waad aragtaa oo waa taa Sabaad gabadhaa weyn noqotay. Waa taa timo tidcatay… Maanta golihii Reer Kadleeye ay jifidayada u soo fadhiisteen ayaan joogay. Oo aan…” Intuu haddalkii isku taagay, ayuu xiix yidhi oo qoorta dadbay, kolkaasaa Qaali intay dhinac uga durugtay oo gacanta bidix dhexda saartay tidhi,

– “Maxaad tidhi oo aan hee…”

– “Xaal baa lagu yeeshay reer Hurre. Aniga ayaana xaalkii bixiyay.”

– “Oo maxaad bixisay?!”

– “Ma wax kale oo aan bixiyo ayaan leeyahay. Dee Sabaad baan bixiyay. Ninkii caaqilka ahaa ee Ilma Hurre ku gafeen ayaan siiyay.”

– “Ma inanta yar ee haddeer soo kacday baad nin iska siisay. Ma nin qalaad oo aadan garanayn baad gabadha yar siisay?!”

Inta uu cadhooday, oo faraha dhuunta ka geliyay oo dib u baxay ayuu isaga oo wejiga duuduubaya yidhi,

– “Naa kaalay, ma reerka taladiisaad igu haysataa? Maxaa kaa galay. Waxba adiga lagaa weydiin maayo ee ka bax hawshaa!”

Sabaad oo gudaha ku jirtay ayaa codka aabbaheed maqashay. Inta ay soo baxday iyada oo timahii loo dabayay gacanta bixid ku haysa ayay aabbaheed kor u eegtay.

– “Aabbo maxaa dhacay?”

Qaali oo wejigu madoobaaday oo niyad jabsan baa iyadoo aad moodid in codkeedu gariirayo ku tidhi,

– “Aabbahaa ayaa nin qalaad ku siiyay.”

– “Yaaa! Yaaa! Nin qalaad aaa?!” ayay ku qaylisay iyadoo yaab iyo amakaag la isugu keenay. Hooyadeed iyo aabbaheed ayay mar qudha si naxdin leh u eegtay.

Salaad oo giir iska kicinaya, ayaa intuu dib u baxay oo toos u eegay Sabaad oo wareersan ku yidhi, “Aabbe waad waynaatay, oo waa adigaa gashaantida noqday. Waxaan kuugu taliyay inaan nin ku siiyo. Sidaa daraaddeed waxa aan xaal kuu siiyay Caaqilka Reer Kadleeye.”

Waa ta qaylo af labadii qabsatay, oo bawdyaha gacmaha ku garaacday oo oohin mutullihii la dhex fadhiisatay. Waa ta laxanka dhiillada kaga dhawaajisay; “Alla hoogayeey…! Dhintayeey..! … Alla Hooyooy… Aabboow…!”

Qaali oo sidii wejigu u madow yahay, juuqna aan Salaad u dallici karin, talana aan laga qaadanayn ayaa Sabaad oo ilmadu ka hililiq leedahay u soo gashay, iyadoo garabkeeda qaawan gacanteeda qabow ee kurbanaysa ka saartay. Welwelka ay ka qabto mustaqbalka inanteeda yar ee ay ku indhakuulato ee aabbaheeda niyadda u dhisaya cuqaasha reerkooda kala foosha xun ee xaqdarrada iyo dulmiga isku bahaystay ku amar taaglaynayo ayaa oof ku taagan ku noqday. Bal maxay ku qaabishaa wejigaa gibilka madow ee  murugada ahi isku daboolay. Mustaqbalkii iyo noloshii inanteedii yarayd ee uu godka madow ku riday ayaa u muuqda, awood ay ku baajisana ma ay hayso.

Isaga oo ay cadho ibliis dhafoorka ka saaran tahay oo isqamandhicinaya ayaa intuu mutullihii soo galay Sabaad oo ooyaysa Qaalina ay ag taagan indho kulul oo nacayb ka buuxo ku eegay dibadda u baxay oo meeshii marka golaha laga soo faaruqay la isku ballansaday aaday. Caaqilkii iyo raggii kale oo meel makhaayad ah oo ay isku ballansadeen tuulada dhexdeeda ah ayuu isagoo farxad iyo raynrayn iska muujinaya, si uusan Caaqilku waxba uga dareemin, u yimid. Waa Salaad oo dhoolla-caddaynaya, tallaabadana si deggan marba mid u dhigaya oo farxad laxaad lihi ay ka muuqato.

Waa la isnabdaadiyay. Caaqilkii iyo Salaad baa si qurux badan isu gacan qaaday oo haddana mar labaad labo weji oo mid walba uu gadaashiisa dulmi iyo arxandarro ay tooxoobsan tahay ayay isula yimaaddeen. Waa sagagarnimo qaangaadhay. Waa doqonnimo iyo foolxumo uu Salaad inantiisa yar godka ugu qodayo balse uu ku filanayo in uu beddelkeeda helo sharaf. Waa badeeco qaali ah oo geel iyo gammaan ama sharaf mid uun u soo hoynaysa balse dhalashadeeda la sharaysto. Marna kama uusan fakarin, umana uusan diir nixin inantiisaa yar ee isaga faraxsan filkii u kordha oo aan marnaba ku fakarin in ay qaxaab holac ah oo suuro waayeel ama doob gaammuray leh ay geli doonto. Waxba hadalka kuma aysan dheeraan e, waxa ay isku afgarteen islana qaateen inay degdeg ula wareegi doonaan gabadha xaalka loo siiyay. Waxa uu caaqilku carrabbaabay inuu gabdhaa isaga laf ahaantiisa xaalka loo siiyay uu wiilkiisa curad, oo doobnimo la golongolay, uu dakharrada iyo silica kaga dabiibi doono, degdegna ugu dhisi doono, oo uu dhowaan la aqal gelayo.

Sidaas ayaa lagu heshiiyay in godkii abeesada horey horey loogu tuuro ruuxdii yarayd ee ay nolosha dhabteedu ka daahnayd, noloshana u haysatay tan ay ku noolayd ee bilaa mashaakilka ahayd, kibirka iyo islaweynidana hibada u siisay. Waa tan oo quruxdii hanaqaaddayi ay ilayska dunida marba gidaar weyn oo mugdi ah dabadiisa ka soo eegayso. Mustaqbalka sugaya iyo naarta jirkeeda leefi doonta ayaa illin ka tifiqsiisa oo gama’ba u diidday. Waxay nolosha kaga quusatay arooska madow ee ay geli doonto. Maalinta oo dhan waxay ku dhammaysataa walbahaar iyo feker dhilay jirkeedii, dheeheediina baabi’iyay. Kibirkeedii iyo dhiirranaantii ay aynigeeda isag eryi jirtayna waxaa beddelay baqdinta ay ka qabto timaaddada qallafsan ee uu aabbaheed u qorsheeyay.

***

Durbaanka arooskeeda laga tumayo iyo jaandheerta aqalka hortiisa lagu ciyaarayo qayladeeda ayaa dhegaheeda sida miigga u taagan ee cabsidu qallajisay marba dhinac u dhaafaya. Waa dhego jabaq kale oo aan cid kale maqlayn dhegaysanaya. Hurgunka iyo gurxanka nafteeda yaree baqdintu dhan walba ka soo gashay ay dhexdeeda ka samaynayso ayay u dhegraaricisay. Galabta casarkii baa gurigoodii laga soo kaxeeyay, haddeerna iyada oo wejigu murugo la madow yahay ayay mutul kale oo isaguna madow dhex fadhidaa. Faynuuskii mutullaha iyadaa gacanteeda ku damisay si aysan cidina u arkin oo ay mugdigaa ugu dhex ambato. Ciyaartii ay barbaartu ciyaarayeen waa ay dhammaatay, haasaawe ayaana la isula kala baxay, oo ciddii isku lug darsan kartayba isa sii raacday, bannaanadaa dabayshu ka dhacaysana la isku xodxodatay. Waa habeennada ay dhalinyartu jaanis ka baadho, habeenkaas oo kale ayaana haasaawaha la isku gaadaa. Markii arooskii dhammaaday, oo cid walba xigtadii inanta habaryaraheed iyo ina abtiyadeed ay guryihii dib ugu noqdeen, ayaa waxa isku soo hadhay iyadii iyo mutulihii madoobaa ee ay dhex kuduudday. Hummaag baa isku beegay irridkii mutullaha. Waa doobkii feedhaha weynaa ee caaqilku dhalay. Isaga oo go’ shaal ah iyo mawacis berber ah wata oo dacallada ka fagmatay ayaa soo galay. Waa ka qosol yar oo caato ah kaga jacsiiyay oo soo galay mutullihii. Markaasuu dusha kaga yimid Sabaad isaga oo qawlallada ka xumbaynaya oo dhareerku ka da’ayo. Kolkaasaa iyada oo neeftuuraysa ay naqas ka baadigoobtay shafkiisa qayaxan ee aad mooddo ood afsaar ah. Waxay xanuun daraaddii gawsaha isku adkaysaba, mar dambe ayuu barbarkeeda ku dhacay.
Aabbaheed ma cadhadii habeenkii ay dhalatay buu ka aargudanayey markuu sidan u horseeday? Maxay ku mutaysatay godkan madow ee uu ku tuuray?

Aroortiiba waxa ay raarta mutullaha ka baadhay dhib ay cabto, si aysan habeen danbe dhibaatadii xalay oo kale u soo marin. Inay aakhiro ka war doonto, oo habaryarteed Sabaad noloshaa kale ee aan la aqoon kula rafiiqdo ayay ku tashatay. Ayeeydeed ayaa markay yarayd uga sheekayn jirtay in habaryarteed Sabaad iyadoo baalal leh ay jannada dhex duusho, oo marba webiyada malabka iyo caanaha dul hadaafto, oo midhaha gobkana jannada ka gurato. Waa inaan habaryartay ka dabo tagaa, oo dhibaatada adduunyadan ee doobka feedhaha weyni sito aan degdeg uga cararaa, ayay iskula sheekaysatay, iyada oo weli dhibtii raadinaysa. Cabbaar waxay raadisaba waa ta wayday oo dubaaqeeda naxariis iyo naruuro ka baadhay.

Waa tan xusuusatay maalin ay dhegaysanaysay rikoodh oday deriskooda ah u shidnaa wadaad wacdi ka marinayay oo ka digayay cadaabka sugaya qofkii naftiisa halliga. Nolosha xun ee ay gashay iyo sawirka u muuqda ayaa daaqadda ka saaray xusuustaa oo deedafeeyay. Waxay iskula hadlaysaa, “Bal adduunyadan eeg, miyaanay ahayn tii shalay u qoslaysay?” Haa waa iyadii. Laakiinse saaka waxa ka wada ee ay aakhiro ugu degdegaysaa sow sharkaa uu aabbaheed u maleegay ma aha? Haddana maskaxdeeda uu welwelku dilooday ayay dib u raaacdaysay, oo asalkaba ka fekertay liibaanta adduunyadan qadhaadh ee aabbaheed oo kale sharka ka oogayo. Iyada oo cabsidii iyo murugadii wejigeeda ka duushay ayay dib u bilowday inay raadiso dhibtii. Habaryarteed Sabaad inay ka dabo tagto, oo baalashaa ay ku duusho iyaduna jannada dhexdeeda ka dhex hadaafto doonaysa. Naxariista Eebbe ee aan dhammaan ayay marmarsiiyo aan cago ku taagnayn ka dhigatay si ay galin horeba uga huleesho adduunyada. Imminka ayay heshay dhibtii oo dul saaran Dhiil yar oo aqalka meel ka mid ah suran.






READ MORE FROM THE SOURCE: Saxariirintii Sabaad

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.