DEG DEG: Wasiirkii Dastuurka C/raxmaan Xoosh Jibriil oo geeriyooday

0
273

Allaha u naxariistee waxaa goor dhow Isbitaal ku yaala magaalada Dubai ku geeriyooday Wasiirkii Arrimaha Dastuurka Xukuumadda Soomaaliya C/raxmaan Xoosh Jibriil, kaddib xanuun ku soo booday.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dastuurka Maxamed Abuukar Zubeyr ayaa xaqiijiyay geerida Wasiirka oo maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa Dubai, halkaasoo uga qeyb galayay arooska gabadhiisa.
“Waxaa hadda isbitaal ku yaala Dubai ku geeriyooday Wasiirka Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya C/raxman Xoosh Jibriil. Ilaahey ha u naxariisto, janatul firdowsana haka waraabiyo. Dhamaan eheladii, qaraabadii, qoyskii uu ka geeriyooday iyo dhamaan umadda Soomaaliyeed Samir iyo iimaan Ilaahey haka siiyo. Aamiin”ayuu yiri Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dastuurka.
Wasiir Xoosh ayaa ka mid ahaa Wasiirada ugu miisaanka badna Xukuumadda, waxaa uu gacanta ku hayay howlaha Dib u eegista Dastuurka, isagoo hoggaaminayay shirarka dib u eegista Dastuurka ee ka socday dalka gudihiisa iyo dibadiisa.
The post DEG DEG: Wasiirkii Dastuurka C/raxmaan Xoosh Jibriil oo geeriyooday appeared first on jowhar Somali News Leader.




SOURCE: DEG DEG: Wasiirkii Dastuurka C/raxmaan Xoosh Jibriil oo geeriyooday

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.