Goorta la dooranayo guddoomiyaha baarlamaanka Puntland iyo ku xigeenadiisa oo la shaaciyay

0
275

Garowe (Caasimada Online)-Guddiga xalinta Khilaafaadka doorashada Puntland ayaa shaaciyay waqtiga la qabanayo doorashada guddoomiyaha baarlamaanka Puntland iyo waqtiga la sameynayo guddiyada ka shaqeynayo arimahaasi.Maalinta ugu dambeysa sanadka 2018 oo ah 31 December ayay dhamaan xildhibaanada cusub ee baarlamaanka Puntland isku imaanayaan, sida ay shaaciyeen xubnaha guddiga xalita Khilaafaadka Puntland.Bisha Janaayo sanadka cusub seddexdeeda xildhibaanada baarlamaanka Puntland ayaa dooran doona guddoomiyaha baarlamaanka Puntland iyo labadiisa ku xigeen, waxaana kadib 5 Bisha Janaayo ay soo xuli doonaan guddiga doorashada madaxweynaha.Sideeda bisha Janaayo ayaa la qorsheynayaa inay dhacdo doorashada madaxweynaha maamulka Puntland oo ilaa iyo hadda ay isku soo sharaxeen 24 Musharax oo uu ku jiro madaxweyne Gaas.Amaanka deegaanada Puntland ayaa aad loo adkeeyay, waxaana marar badan musharixiinta looga digay in ciidamadooda ay kamid noqdaan amni daro ka dhacdo magaalada Garowe.Caasimada Online Xaifiska Puntland Caasimada@live.com




SOURCE: Goorta la dooranayo guddoomiyaha baarlamaanka Puntland iyo ku xigeenadiisa oo la shaaciyay

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.