HOYO MAILA SAXIBI KARTAA

0
1961

Xirir Nocee ah ayaa u Dhaxeya Gabar iyo Hoyadeed?

Waxaan la hadlayaa hooyo walba oo jecel gabadheeda, hooyadu mala socotaa inay gabadheeda u tahay tii ay ku dayanaysay,. hooyada wanaagsani waa tan ay gabadheedu kaga dayato wanaaga, waa tan wanaaga u horseeda, aan su’aal ku waydiiyo hooyo gabadhaada saaxiib mala tahay?ma siisay gabadhaada kalsooni buuxda taasoo u horseeda inaysan waxba kaa qarin, inaad noqoto tii ay sirta ku qarsan lahayd tii ay kala sheekaysanaysay una sheegaysay wixii ku soo kordha nolosheeda dhan walba.. Ma saaxiibnaa Hooyo?

Sideen ku dooran karaa saaxiib. Ismoogeey yaa kuu maqan Ma isu diyaarisaa wakhtigaaga caadada (dhiiga) Waqtigii aan dayacay dib ma u doondoonaa!!

 Ma saaxiibnaa Hooyo?

Ma la socotaa hooyo gabadhaada markaad la saaxiibto inaad ka badbaadinayso inay ku dhacdo dabinka saaxiibada xun xun.ma ogtahay hooyo gabadhaada markaad siiso naxariis, jacayl, koolkoolin, inay ka maarmayso wiilasha ku sira jacaylka beenta ah, waayo uma oomana jacayl dhalanteed ah ee waxayba haysataa jacayl dhaba,ma ogtahay hooyo in saaxiibtinimada gabadhaada ay ka dhigan tahay adoo ku guuleystay amaanadii gacantaada ku jirtay inaad uga soo baxday sidii ku haboonayd iyo adoo waajibaadkaagii sidii la rabay u gutay, waxaan ognahay in gabadha jidkii toosnaa ka leexata ee dariiq qaldan marta aan kaligeed lagu eedayn jidkaa qaloocan ee ay qaaday laakiin dhaleeceyntu soo gaarayso hooyadii soo korisay iyadoo la leeyahay gabari waa hooyadeed, ama hooyadeed ayaan si can u soo tarbiyeyn, waxaad siisaa gabadhaada kalsooni heer ay gaarto inay wax walba kaala hadli karto iyadoon kaa baqeyn niyadana ku haysa inaad tahay tusaalaheedii koowaad iyadoo mar walba kaa leysa inaad siiso talo iyo tusaalooyin wax ku ool ah. Hooyada gabadheeda la saaxiibta iyo hooyada gabdhadeeda aan la saaxiibin maxay ku kala duwan yihiin? Hooyada gabadheeda saaxiibka la noqota waxaa lagu yaqaan inay tahay mid gabadheeda kala sheekaysata wax walba, gabadheeduna u sheegato waxay damacsan tahay, waa hooyada khibradeeda ku kordhisa gabadheeda. waa hooyada gabadheedu kala hadli karto wax walba hadii waxaa ay kala hadashay ay u aragto hooyadu wax aan icnayn ku baraarujisa oo ka waanisa iyadoo sidii saaxibteed ula hadlaysa. waa hooyada gabadheeda u sheegta waajibaadkeeda diineed iyo aduuneedba, waa hooyada gabadheeda ayna kala xishoon inay u sheegato arimaheeda gaarka ah sida waxay damacsan tahay mustaqbalkeeda waa hooyada ku qanacsan inay tahay hooyo macaan iyo saaxiibad qaali ah labadaba

Hooyadani waa mid mooda inay gabadheedu uga baahan tahay kaliya korin ilaa ay ka weynaato. waa hooyo dhan walba inay ku can tahay ay dhici karto laakiin aan aaminsanayn saaxibtinimada gabadheeda, waa hooyo marka gabadheedu ku soo qaado arimaha qaar xuubsata lana soo booda maxaad ku hadashay Naa isku xishoo oo wax isku fal gabar baa tahee! iyadoon ka dhaadhicin una tilmaamin xishood la’aanta ay sheegayso waxay tahay, waa hooyada gabadheedu ka qarsato wax yar iyo wax weynba,waa hooyada gabadheedu ka jeceshahay saaxiibadeed(maaha jacaylkii hooyanimo) waa hooyada gabadheedu markeey saaxiibadeed la joogto lala cajabo farxadeeda, sheekadeeda, qosolkeeda, iwm markeey gurigooda timaadana la moodo inay soo gashay Xabsi isku soo wada duuboo waa hooyada aan qiimeyn saaxiibtinimada gabadheeda

dhamaan hoyoyinka somaliyed waxaan ka waaninayaa in aay gabadhahooda ola dhaqmin sida aya ola dhaqmaan qofka shisheeyaha oo kale,

noqda waqti kasta kuwa la socda talabada aay gabdhahooda qadayaan

W/Q:Ahmed Karshe

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.