Shacabka, maamullada iyo DF ma aqbali doonaan codsiga Macawiislayda?

0
248

Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Macaawiisleey oo ah koox isku abaabushay dagaal ka dhan ah Al Shabaab ayaa markii ugu horeysay shacabka Soomaaliyeed codsi usoo diray.Kooxdaan oo ka carootay hab dhaqanka Al Shabaab ayaa ka bilaabay Shabeelaha Dhexe dagaal ka dhan ah Al Shabaab, waxaana ay marar badan ku wada dagaalameen deegaano hoostaga degmada Aadan yabaal ee gobolka Shabeelaha Dhexe.Sarkaal u hadlay kooxdaan oo ku sugan deegaanka BuurDacar ee degmada Aadanyabaal ayaa sheegay inay bilaabayaan dagaal adag oo ka dhan ah kooxda Al Shabaab, waxaana uu shacabka ka dalbaday inay dagaalkaasi dhinac ka noqdaan.Sidoo kale Waxaa Maamul gobaleedyada, dowlada dhexe iyo beesha caalamka ka dalbaday in ay caawiyaan dadka shacabka ah ee la dagaalamaya Al-Shabaab, islamarkaana waxaa uu tilmaamay in dhawaan ay bilaabi doonaan howlgal ka dhan ah Al-Shabaab, isagoona sheegay in deegaano hor leh ay ka saari doonaan.Xubnaha Macaawiisleey hogaaminaya ayaa sheegay inay dagaalkooda bilaabeen kadib markii ay u adkeysan waayeen dhibaatooyinka AL Shabaab ay u geystaan dadka shacabka ah.Maamulka Hirshabeelle iyo dowladda Soomaaliya ayaa dhawaan sheegay inay taageero siin doonaan kooxda Macaawiisleey maadaama ay la dagaalamayaan Al Shabaab, balse Al Shabaab ayaa dhawaan gaadmo ku dilay hogaamiyii Kooxda isku keenay.Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com




SOURCE: Shacabka, maamullada iyo DF ma aqbali doonaan codsiga Macawiislayda?

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.