Sheekadii Cusbeyd : Libin Jaceyl Qeybtii 84aad

0
366

jowhar Somali News Leader
Falis maalintii oo dhan ayay dul fadhisay Yaasmiin oo aad maelna kaga dhaqaaqin halka Caasha Kiin ay la joogtay wiilka yar ee dhalada ku jira Yaasmiin hadalkeeda waa yaraa wallow dhaqaatiirta ay sheegeen in ay caafimaad qabto haddan iyada taa lama aheyn.
 
Subaxii labaad ayaa Falis waxaa u timid Hooyo Maryan oo qaxwa iyo mushaari u soo karisay Yaasmiin maadaama loo fasaxay in ay in wax la siin karo Yaasmiin markii ay aragtay Hooyo Maryan ayay ku tiri.
 
Yaasmiin:
Hooyo waqti fiican ayaa timid
 
Hooyo Maryan:
Maxaa jira Hooyo Ma gaajo ayaa dareemeysaa
 
Yaasmiin:
Hooyo in aan kula hadlo Ayaan rabaa Mursalna hala Waco
 
Falis:
Yaasmiin maxaad sheegi rabtaa waad I cabsi gelineysaa
 
Yaasmiin:
Hooyo Mursal wac in aan hadlo Ayaan rabaa
 
Hooyo Maryan:
Haye Hooyo waa la wacayaa ii sheg side dareemeysaa adiga xaaladaada iga waran
 
Yaasmiin:
Ma aqaan Hooyo sida aan ahay ma qeexi karo laakiin waxaan dareemayaa in aad sii laciifayo
 
Hooyo Maryan markiiba inta ay Falis fiirisisay ayay ku tiri
 
Hooyo Maryan:
Dhiigii miyaa weli socda Falis dhaqaatiirta maxay sheegeen
 
Falis:
Maya Hooyo dhiig ma socda wax daranna lama sheegin
 
Intii warka la haayey ayaa uu Mursal soo galay oo ay Hooyo Maryan ku tiri bal soo gal Mursalow iminka ku hadal haaynay Mursal oo ka nahay ayaa la soo booday.
 
Mursal:
Maxaa jira Hooyo ma wax daran ayaa dhacay
 
Hooyo Maryan:
Wax daran ma jiro balse Yaasmiin ayaa dooneyso in ay nala hadasho
 
Mursal:
Yaasmiin waan imid hadal maxaad noo sheegeysaa
 
Yaasmiin:
Hooyo Macaan aniga waxba kama aqaan waalidkii dhabta ahaa ee I dhalay adiga Ayaan waalid kuu aqaan intii aan kula noolaanaa abid ma dareemin inaadan Hooyadey dhabta aheyn Falis oo curadaada aheyd waad igaga kalsooneyd mana jirin maalin qudha oo aad I dareensiisay in ay walaashaa I dhashay waxaana aaminsanaa in aan hablaha ugu nasiibka badan aan ka mid ahay mar haddii aad hooyo I noqotay oo aad barbarin wanaagsan I siisay sidoo kale Falis waxa ay aheyd qofta kaliya ee aan ku kalsoonaa oo aan siraheyga u sheegan jiray nolosha wax badan ila saxday Falis abaayo waxa aad ii aheyd walaal iyo saaxiib labadaba nafteydana waaan kaaga kalsooni qabay maantana waxaan rabaa in aan masuuliyad weyn kuu dhiibo.
 
Falis oo intii ay hadalka waday Yaasmiin ilinta ka socotay ayaa la soo booday
 
Falis:
Waa ku baryaa Yaaska hadalka intaan ku jooji maxay tahay waxa aad aragtay oo aad sidaan oo dhan tiiraanyada noogu abuureysid aamus abaayo aniga xalay Ayaan kaa dareemaayey in wax kale ay kuu sawiran yihiin.
 
Yaasmiin:
Falis aamus aniga waxa aan ka hadlayo waa wax jira fursadeydana aan ka faa’ideysto I maqal abaayo manta ma jirto cid aan kaga kalsoon nahay in aan wiilkayga kugu aamino Ayaan rabaa Maxamed Deeq adiga Ayaan kugu ogahay geeridayda kadib waa hubaa sidaan u korin lahaa si ka wanaagsan in aad u korineysid.
 
Mar kaliya ayay dadka oo dhan wada ilmeeyeen Falis iyada dhulka ayay fadhiisatay halka Mursal uu derbiga madaxa saartay oo keligii ooyinta galay Hooyo Maryan oo intii qolka ku jirtay ugu Samir fiicneyd ayaa tiri.
 
Hooyo Maryan:
Maxaa jira Falis iyo Mursal ma gabadhaa caloosha gedineysid miyaadan ogeyn in Dardaaranka uusan qofna dili Karin nooleyna karin Yaasmiin Maama is deji waxba kaama halaabayo anaga oo dhan ayaa ku garab taagan balse waxa kaliya ee aan kaaga garaabi Karin ayaa ah geerida balse cid naga mid oo taqaan xilliga ay nafteeda baxeyso ma jirto ee niyada qeyr u sheeg wax wanaagsana illaahey ka rajey.
 
Yaasmiin:
Waa runtaa Maama dardaaranka wax ma dilo balse manta waxaan kaa rabaa in Falis aan cidna la sheegan Karin wiilakayga oo aan iyada ku ogahay waan ogtahay in reerka aysan Falis weli la heshiin geerida kadib cidna yeysan dardaarankayga soo fara gelin Mursal aboowe waxaan kaa rabaa in wiilkeena ay Falis koriso adigana aad ku ogaado xataa haddii Falis ay mar kale guursado aadan ka qaadin oo iyada ay tahay Hooyadiis waa ku baryaa balan iga qaad.
 
Mursal oo weli derbiga u sii jeeda illinta ay ka qubaneyso ayaa la soo jeestay oo yiri
Mursal:
Yaaska maxaad sheegeysaa maxaase noo kala kaxeyneysaa sow ma ogid in aad ku jirnay ayaamihii ugu wanaagsanaa nolosheena wiilkeenana uu yahay mid isu soo kaaya dhaweeyey side ugu fikireysaa in aad naga fogaado.
 
Falis:
Yaaska waad fiican tahay maxay tahay waxa kuu sawirmay
 
Yaasmiin:
I maqla dhamaantii balantaas in la iga qaado Ayaan rabaa waa mid aan culeys badan oo aan dareemayo ay igaga fududaaneyso waa idiin baryaa ii balan qaado.
 
Hooyo Maryan:
Waa balan gabadheydiyee cidna ma soo fara gelineyso dardaaran kaaga haye Falis sow ma aqbalin masuuliyada ay ku saartay walaashaa.
 
Falis iyada oo weli ooyeysa ayay ku tiri “Haa Yaaska waan kaa qaaday masuulyadaas” sidoo kale ayaa uu Mursal balan qaaday in geerida Yaasmiin kadib uusan Falis ku fara gelin doonin wiilkiisa Maxamed oo ay iyada korin doonto.
 
Markii hadaladaas oo dhan ay dhagaheeda soo gaareen ayay Yaasmiin ku tiri Falis ii soo dhaawa markii ay uu soo dhaawaday ayay dhunkaday in cabaar ah ayaa la dul taagnaa Yaasmiin oo xaaladeeda cid kasta oo aragta ay caadi la aheyd waxaana sidoo kale ku soo biiray goobta adeerkeed iyo Caasho Kiin oo qof kasta marka dardaarankeeeda loo sheego is xumeyneysay Hooyo Maryan ayaa samirsiimeysay oo laheyd Dardaaran waxba ma dilo.
 
Hooyo Maryan maalintaa waxa ay go’aansaday in aysan ka tagin Yaasmiin iyada oo si wax u dareensaneyd haddana ma dooneynin in dadka goobta jooga ay niyad jebisa waxa ay iyada iyo Mursal u galeen dhaqtarka waxaana dhex martay hadaladaan.
 
Mursal:
Ditoore xaaskayga arimaheeda ma wax ayaa ka soo kordhay
 
Diteerkii:
Ma wax aad maqasheen ayaa jira mise kalkaalisada ayaa wax idiin sheegtay
 
Hooyo Maryan:
Maya Diteer cid wax noo sheegtay malaha ee sida ay wax u jiraan noo sheeg aniga Hooyadeed Ayaan ahay wiilkaana waa ninkeeda bal waxa jira noo sheeg annaga dad muslimiiin ah Ayaan nahay qadarta waan naqaanaa.
 
Ditoore:
Yaasmiin tan iyo markii ay umushay oo ilmaha lagu qalay xaaladeeda ma aheyn mid degan waliba waa rrin la yaab leh waxaa hoos u dhac ku imaanayaa garaaca wadnaheeda daawo kolka aan siino waxaan dareemeynaa inuu soo kacay oo meeshii looga baahnaa uu yimaadaa haddana markiiba waa degayaa xaaladeena wax badan oo aan ka sheegi karno ma jirto waxaa saaka noo balansan oo noo imaanayo dhaqtar xagga wadnaha aqoon durugsan u leh oo aan dooneyno in aan kala hadalno.
 
Mursal:
Cabsida jirta ilaa intee gaarsiisan tahay
 
Ditoore:
Waxaa macquul ah in ay koomo gasho waana mid aan Xilli kasta filan karno Yaasmiin u soo duceeya oo kaliya annaga waan dadaaleynaa.
 
Hadalkaan ayaa murug xoog leh ku noqday Hooyo Maryan iyo Mursal haddana ma dooneynin in dadka banaanka joogo ay u sheegaan Qadar oo dadka sugaayey ku jiray ayay u sheegeen wax walba ay fiican yihiin cabsina aysan jirin balse Qadar oo aan ku qancin hadalkooda ayaa meel gaara ah ula baxay Hooyadiis oo weydiiyey waxa runta ee jira waana ay u sheegtay iyada oo waliba ku tiri hadalkaan ma doonayo in cid kale maqasho waliba Falis oo ma samarta aheyd oo ilaa saaka iska ooyeysay.
Waa Sheekadii Cusbeyd : Libin Jaceyl kala soco Jimco walba Jowhar.com una gaar ah jowhar.com waxaana ku soo fara yareeystay qoraga reer jowhar Haalkoos    xaalkoos@hotmail.com
The post Sheekadii Cusbeyd : Libin Jaceyl Qeybtii 84aad appeared first on Somali News Leader.




SOURCE: Sheekadii Cusbeyd : Libin Jaceyl Qeybtii 84aad

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.