Xog: Dowlada oo diyaarisay ciidamo la qorsheeyay inay badalaan kuwa Burundi

0
178

Muqdisho (Caasimada Online) – Dhamaadka Bishaan waxaa qorshaha uu yahay in dalka ay ka baxaan ciidamadii ugu horeeyay ee ka tirsan AMISOM kuwaasi oo gaaraya 1,000 askari oo ka socda dalka Burundi.Saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa xaqiijiyay in dowladda ay ciidamo geysay goobaha la qorsheynayo inay ka baxaan ciidamada ka socdo dalka Burundi ee qeybta ka ahaa howlgalka AMISOM.Xogaha aan heleyno ayaa sheegaya in ciidamada la geeyay deegaano ka tirsan Hirshabeelle, waxaana qorshaha uu yahay inay buuxiyaan booska ay baneynayaan ciidamada AMISOM.Ciidamada dheeraadka ah ee la geeyay Hirshabeelle ayaa wararka aan heleyno waxay sheegayaan inay la shaqeyn doonaan ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ee haraya, si aan loo dareemin booska ay baneynayaan ciidamada garaaya kun askari.Xogaha kale ee aan heleyno ayaa sheegaya in ciidamada la qorsheynayo in la geeyo saldhigyada ciidamada AMISOM ee Cadale, Raage Ceelle iyo Xaaji Cali oo ka tirsan Hirshabeelle.Taliska ugu weyn ee Ciidamada Burundi ee qaybta ka ah AMISOM oo ku yaalla Magaalada Jowhar ayaa maalmihii la soo dhaafay waxaa kulan ku lahaa saraakiil ka socota AMISOM iyo Dowladda Soomaaliya.Sidoo kale waxaa ciidamada la geeyay deegaanada Hirshabeelle lagu kabi doonaa ciidamo dhawaan tababar ugu soo xirmay magaalada Jowhar, waxaana xiritaanka tababarkaasi ka qeyb galay Wasiirka amniga xukuumadda Soomaaliya.Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com 




SOURCE: Xog: Dowlada oo diyaarisay ciidamo la qorsheeyay inay badalaan kuwa Burundi

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.