Akhriso Wararkii ugu Dambeeyay Suuqa kala iibsiga Wilshere, Hazard, Modric, Mahrez, Sarri, Banega.

0
300

Waxa furmay suuqa kala iibsiga xagaaga waxana ay koox walba haatan suuqa u gali kartaa sidii ay u xoojin lahayd kooxdeeda si ay isugu diyaariyaan xilli ciyaareedka dambe.
Waxa jira kooxo haatanba la soo saxiixday xiddigihii ugu horeeyay sidoo kale wali ugu jira suuqa xiddigo kale si la mid ah waxa jira kooxo wali si fiican ugu jira suuqa raadinayana in ay helaan xiddigo munaasib ah.
Hadaba waxa aan halkan ku soo gudbin doonaa wararkii ugu dambeeyay ee suuqa kala iibsiga ay wargaysyada kala duwan ka qoreen.
Kooxda West Ham ayaa diyaar u ah kaliya in ay Xiddiga khadka dhexe ee Jack Wishere u soo badhigto hal sano oo heshiis ah, sababta oo ah waxa ah ka wal-walsan yihiin taam ahaanshaha 26 jirkan oo uu dhacay heshiiskiisa kooxda Arsenal (Sun).
 
Xiddiga garabka uga ciyaara chelsea iyo Xulka Belguim ee Eden Hazard oo 27 jir ah ayaa loo soo bandhigay Real Madrid ka hor Finalkii champions League (Marca).
 
Heshiiskii uu Riyad Mahrez ugu biiri lahaa Man city ayaa ku dhaw in uu bur-buro sababta oo ah 27 jirka reer Algeria ayaa doonaya in uu helo qayb ka mid ah lacagta uu uga tagayo Leicester city (Sun).
 
Xiddiga khadka dhexe ee xulka Belguim iyo kooxda Man United ee Marouane Fellaini oo 30 jir ah ayaa sheegay in mustaqbalkiisa la xalin doono dhawaan xilli uu xiddigu xor noqon doono maalmo kadib (Independent).
 
Xiddiga khadka dhexe ee Man United iyo xulka France ee Paul Pogba oo 25 jir ah ayaa qirtay in ay dhibaato yar kala dhexaysay tababaraha Man United ee Jose Mourinho xilli ciyaareedkii dhamaaday (ESPN).
 
Saxiixa cusub ee kooxda Liverpool ee Naby Keita ayaa ku dhaw in uu dhaxlo maaliyada No.8 ee uu ka tagay Steven Gerrard xilli ciyaareedka dambe (Liverpool Echo).
 
Tababaraha ku dhaw kooxda chelsea ee Maurizio Sarri ayaa qorshaynaya in uu ku noolaado garoonka tababarka kooxda chelsea marka uu ku biiro kooxda todobaadkan (Mirror).
 
Tababaraha kooxda Arsenal ee Unai Emery ayaa si shaqsi ah ula xiriiray xiddiga khadka dhexe ee kooxda Sevilla Ever Banega si uu ugu qanciyo in uu 29 jirkan ku biiro kooxda Arsenal (Mirror).
 
Kooxda Liverpool ayaa lagu soo waramayaa in ay ugu dambayn dooratay goolhayeheeda cusub iyada oo u dhaqaaqaysa goolhayaha kooxda Sporting Gijon ee Daniel Martin oo 19 jir ah (Don Balon).
 
Kooxda Real Madrid ayaa ku rajo weyn in ay Luka Modric u isticmaasho in ay ku soo xero galiso weeraryahanka kooxda Bayern Munich ee Robert Lewandowski (Daily Express).
 




READ MORE FROM THE SOURCE: Akhriso Wararkii ugu Dambeeyay Suuqa kala iibsiga Wilshere, Hazard, Modric, Mahrez, Sarri, Banega.

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.