JURGEN KLOPP: MESSI IYO MOHAMED SALAH LAYSLAMA BAR BAR DHIGI KARO.

0
544

Tababaraha kooxda Liverpool Jurgen Klopp ayaa waxaa uu ka hadlay arin mudo dheer laga sugayay in uu qeexo sida ay ula muuqato.

Arinta la wada sugayay ee uu ka hadlay Klopp ayaa ah sida ay ula muuqato In la is Bar bar dhigo Xidigaha Mohamed Saalax iyo Caristiano Ronaldo.

Labadan xidig ayaa isaga hor imaan doona bishaan 26keeda Champions Leage Ciyaarta Finalka ah ee  dhex mari doonta kooxaha Liverpool iyo Real Madrid.

Waa sheeko inta badan ay dadku aad u hadal hayaan maadaama Maxamed Saalax uu ka yaabsaday Xili Ciyaareedkan Dad badan oo Dunida Dacaleeda ku sugan.

Macalin Jurgen Klopp oo waraysi siisay Wargayska Telegraph ayaa waxaa hadalkiisa uu ku soo koobay.

“Maxamed Saalax Wuxuu  u ciyaaray Xili Ciyaareedkan si wayn balse Cristiano Ronaldo 15 xili ciyaareed ayuu sidaa usoo ciyaaray.

Mar la waydiiyay Klopp su’aal ahayd maxay waajib u tahay inaan is  bar bar dhigno labada xidig Waqtigii Pele Ma aysan jirin Ciyaartooy ama xidigo kale oo lala bar bar dhigi karay Miyuu ka fiican iyaga? ayaa waxaa uu ku jawaabay.

“Haatan waxaan haysanaa Messi iyo Ronaldo waxay xaka meeyeen kubada cagta mudo dhowr sanadood ah waxaa jira sidoo kale ciyaartooy badan oo aad u xirfad wanaagsan.

Inta waraysigan lagu gudo jiray macalinkan ayaa waxaa uu soo hadal qaaday sida ay ula muuqato Natiijada kasoo bixi karta Kulanka 26 bishaan May ay la qaadan doonaan kooxda Real Madrid.

Isagoona gabi ahaanba sheegay inuusan doonayn in qaabka weerarka kooxdiisa uu wax ka badalo wax walbaa oo dhaca rajo wanaagsan ayuu ka muujiyay Kulankaasi in ay guul aad u wayn ka gaaraan.

 

 

 

 

 

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.