Sawirro: Khasaaraha weerarka Baar-sanguuni oo la ogaaday & Hub iyo Gaadiid dagaal oo lagu furtay + Warbixin

0
859

Kismaayo (Caasimada Online)-Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa weerar Qaraxyo ku bilowday oo maleeshiyada Al-Shabaab ay ku qaaden Saldhig ay ciidamada dowlada iyo kuwa maamulka Jubbaland ku leeyihiin degaanka Baar-sanguuni oo ku yaalla duleedka magaalada Kismaayo.
Weerarka oo ahaa mid gaadmo ah ayaa waxaa lasoo sheegayaa in ciidamada dowlada iyo kuwa maamulka ay iska difaacen, waxaana halkaa ka dhashay khasaaro dhimasho iyo dhaawacba leh.
Saraakiil ka tirsan ciidamada dowlada oo ku sugan deegaanka Baar-sanguuni oo goordhow la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in weerarka ay Al-Shabaab uga dileen maleeshiyaad kabadan Toban kuwaa oo ay ku jireen Horjoogayaal.
Saraakiisha ayaa sheegay in hal meel ay iminka isugu geeyen meydadka Horjoogayaasha iyo dagaalamayaasha Shabaab si loogu soo bandhigo dadka shacabka ah.
Waxa ay sheegen in inta lagu guda jiray dagaalka tooska ah ay maleeshiyada ka furteen Hubkii ay kusoo qaaden duulaanka oo u badnaa qoryaha loo yaqaan AK47.
Maleeshiyada Al-Shabaab ayaa dhankeeda ka sheegtay in weerarka ay ku dileen Taliyayaal ciidan iyo Ciidamo hubeysnaa oo ku guda jiray xiliga hurdada.
Waxa ay maleeshiyada sheegtay in ciidamada dowlada ay weerarka uga dishay 27 askari oo ay ku jiraan taliye xigeeno xiligaasi ku sugnaa xerada.
Inta uu dagaalka socday ayey sheegen inay gubeen ku dhawaad Sideed gaari oo ay ku jiraan kuwa dagaalka, halka sidoo kale ay kaxeysteen gaadiid kale, sida ay ku baahiyeen cod ay maleeshiyada soo dhigtay baraha.
Sidoo kale waxa ay maleeshiyada sheegtay inay la wareegeen sahnad ay lahaayeen ciidamada dowlada kuwaasi oo ay kusii qaaten gaadiid dagaal.
Dhinaca kale, maleeshiyada Al-Shabaab ayaa inta badan waxa ay weerarada qaadaan aroortii hore, xerada Baar-sanguuni bishii June ee sanadkan ayaa weerar Shabaab ay ku qaadeen waxa ay ku dileen askari Mareykan ahaa.

 





READ MORE FROM THE SOURCE: Sawirro: Khasaaraha weerarka Baar-sanguuni oo la ogaaday & Hub iyo Gaadiid dagaal oo lagu furtay + Warbixin

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.