Yeelidda ayaa ka habboon ka sheekeynta

0
68

إِنَّ اللّهَ لاَ يُغَيِّرُ مَا بِقَوْمٍ حَتَّى يُغَيِّرُواْ مَا بِأَنْفُسِهِمْ

“Eebbe ma beddelo duul ilaa ay iyagu isbeddelaan”

Aayaddan marka aad u fiirsato micnaha ku aasan ee aan kor ka xaadiska ahayn, waxa aad fahmaysaa in isbeddel walba u baahan yahay sabab uu u noqdo isbeddel, ee uusan isbeddelku ka horreynin sababta. Isbeddel walba waxa uu salka ku hayaa ficil, oo samaynta shay/walax ayaa keentay in uu isbeddelo shaygaasi/walaxdaasi. Isbeddelku waa labo: mid wanaagsan iyo mid xun.

Waxyaabaha ay Soomaalidu isla qirsan tahay ayaa ah: in dalkeenna burburkiisa isla innagu aynu sabab u nahay, aayaddaanna waxa aan usoo daliishannaa marka xafladaha dhoodhoobka ah ee qiiro iska keenka ah laga hadlayo. Culimo iyo caamaba, waa la soo daliishadaa aayaddan iyada oo loola jeedo isbeddelkii ku dhacay dalka (kala haadkii) innagaa sabab u ahayn.

Waxaa kale oo jirta marka ay culimadu wacdiyayaan, ee dulmiga iyo ciqaabta Alle laga hadlaayo, in ay culimadu soo daliiishadaan aayaddan iyada oo loola jeedo dulmiga dhacay wax uu Eebbe isaga keen sameeyay ma aha e, waa wax aan innagu gacmaheenna ku keensannay sababteedana lahayn. Taasi waa xaqiiq aan meelna looga weecan.

Waxyaalaha yaabka leh ayaa ah in Soomaalidu ku wada baaqdo iscafin iyo isu tanaasul lana soo qaato aayaddan iyada oo la leeyahay: “innagaa dhibkan isku keennaye aan ka soo noqonno”. Iscafinta iyo isu tanaasulku waa waxa ay bulshu ku wada noolaato kuna gaarto baraare iyo horumar. Laakiin iyada oo aan cafis la weydiisan kii la dulmiyay, loona qirin in dulmi iyo xadgudub lagula kacay ayaa si kor ka waabid ah loo leeyahay hala isku tanaasulo iyada oo ay gunta hoose dacari fadhido!

Innaga oo culimadeenna iyo caamadeennaba micnaha aayaddan wada garanayna, haddana dhanka wanaagsan kama eegno micnaha aayaddan, oo ma dhahno: “War Eebbe dad dhibaato ku jira dhibta kama saaro iyaga oo aan ducada ficil iyo uur-samaan ku darine aan xumaantii iyo xadgudubkii ficil wanaagsan u beddelno si Eebbe wanaag noogu beddelo dhibaatadan”.

Bulshadu qiritaankeeda in dhibaatadu iyadu isu geysatay waxba ka beddeli mayso dhibtii taagnayd ilaa ay dhanka wanaagga qaaddo bulshadaasi, oo ay xumaantii iyo tubtii ay ku halaagsantay ka weecato dhanka wanaagsanna u leexato. Waa hubaal sida xumaanta loogu halaagsamay haddii dhanka wanaagga loo leexdo in baraare iyo horumar la gaari doono. Waxa aan nahay bulsho ku qanacsan af-ka-sheegidda isbeddelka laakiin aysan ka go’nayn tallaabo u qaadidda dhanka habboon. Waxa aan nahay bulsho ficil samaynta ka jecel sheegsheegidda dhibta. Haddii aan lagu raaxaysan samaynta ficilka dhibta looga baxayo, waxaa lagu waxyeelloobi doonaa ka sheekeynta dhibaatada taaganta noqotay. Xafladaha magaca uun ah ee aan ficil la soconnin, waxaa ka wanaagsan qabashada hawl yar oo si wanaagsan loo qabto. Maxaa yeelay, ficilka ayaa ka saameyn badan sheegista.

Dhibaato kale iska daaye, maanta waxaa dhibtii u weynayd ah in qofka 20-jirka ahi garan waayo qofka uu taageerayo, sababta ama ujeedka uu u taageerayo—kan uu ka soo horjeedana sidoo kale.

Haddaba, Eebbe (Sarree oo Weynaaye) duul dhibaato kama dulqaado, iyaga oo aan wanaagga samayn. Qaladka kiisa yar oo la fiirsadaa waa dhibaato tan ugu weyn oo lagu qanacsanaado. Waayo, yaraanta qaladkaa la iska qaban waayo, waa dhibaatada ka dhalan doonta weynaanteeda.






SOURCE: Yeelidda ayaa ka habboon ka sheekeynta

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.